Wararka Soomaalida

Ra’iisul wasaare Khayre oo dhagax dhigay Warshadda Dharka ciidanka

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka dhagax dhigay dhismaha xarunta warshad soo saareysa dharka Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed. Warshadda oo soo saaraysa dharka Ciidanka oo leh tixraax fududaynaya in askari kasta ee Soomaaliyeed uu helo labis u gaar ah ayaa meesha ka saaraysa dharkii Ciidanka ee laga […]

Published

on

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka dhagax dhigay dhismaha xarunta warshad soo saareysa dharka Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Warshadda oo soo saaraysa dharka Ciidanka oo leh tixraax fududaynaya in askari kasta ee Soomaaliyeed uu helo labis u gaar ah ayaa meesha ka saaraysa dharkii Ciidanka ee laga keeni jiray dibadda iyo in dharka ciidanka ay isticmaalaan shaqsiyaad aan ciidanka qayb ka ahayn.

Dowladda Turkiga ayaa Warshadda iyo dhammaan waxyaabaha ay ku shaqaynayso ugu deeqday dowladda federaalka Soomaaliya oo hadda gacanta ku haysa agabkaas ee warshadda waxaana la howl gelinayaa warshadda marka uu dhamaado dhismah ay ku shaqaynayso si ugu dambayn ay u shaqo bilawdo horraanta sannadka 2020.

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa fulinaya dhismaha warshadda oo qorshuhu yahay in lagu dhammeeyo sannadkaan gudihiisa iyadoo qalabka lagu dhisayo xarunta ay soo saarayso warshad uu leedahay taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo dhowan dib loo howl geliyay.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kormeeray warshadda qalabka dhismaha ayaa ku bogaadiyay taliska Asluubta dadaalka ay u galeen in ay dib u howl geliyaan warshadda waxa uu faray in xilliga loo qorsheeyay lagu dhammays tiro dhismaha warshadda dharka ciidanka oo muhiim u ah dalka,qaybna ka qaadanaysa horumarinta amniga iyo qalabaynta Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

Wasiirka difaaca XFS,Taliya ciidanka xoogga iyo safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda dhagax dhigga warshadda ee soo saaraysa dharka ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed.

—DHAMMAAD—-

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version