Wararka Soomaalida

Ra’iisul wasaare khayre oo furay kulanka Aqalka sare+sawiro

Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka wakiil ahaa Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta furay kulanka 5-aad ee Golaha  Aqalka sare ee Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha oo Khudbad dheer ka jeediyey kulanka Golaha Aqalka sare ayaa sheegay in Madaxweynaha uu usoo wakiisha furitaanka Aqalka sare iyadoo Madaxweynaha ugu baaqday furitaanka kulanka Aqalka sare Ra’iisul wasaaraha uu […]

Published

on

Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka wakiil ahaa Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta furay kulanka 5-aad ee Golaha  Aqalka sare ee Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha oo Khudbad dheer ka jeediyey kulanka Golaha Aqalka sare ayaa sheegay in Madaxweynaha uu usoo wakiisha furitaanka Aqalka sare iyadoo Madaxweynaha ugu baaqday furitaanka kulanka Aqalka sare Ra’iisul wasaaraha uu ku tilmaamay in Madaxweynaha uu ku howlan yahay shirar looga hadlayo arrimaha amaanka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa uu ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhaqaalaha dalka inuu kordhay labadii sano ee la soo dhaafay haddana ay ku howlan yihiin in ay sii laba jibaaraan inta aan lagaarin sanadka 2020ka.

Mar uu soo hadal qaaday Ra’ijsul wasaaraha deyn cafinta ayaa waxaa uu sheegay in laga cafiyey deymo farabadan oo Soomaaliya lagu lahaa inta yar ee hartayna ay ku rajo weyn yihiin in laga cafiyo.

Ra’iisul Wasaaaraha Soomaaliya ayaaa khudbaddiisa ku sheegay in dawladdu ay xoogga saartay hir-gelinta qorshaha amniga qaranka, in la dardar-geliyay qorshaha isku-dhafka ciidanka qaranka, in lagu guulaystay tirinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, in dawladdu ku haminayso in sannadka dhammaadkiisa lasoo af-jaro dagaalka lagula jiro argagaxisada, in dawladdu ay dib ula wareeegtay xaruma markii hore ay gacanta ku hayeen ciidamada AMISOM iyo in Booliiska Soomaaliyeed uu diyaariyay qorsha cusub oo amngia caasimadda lagu sugayo lana rejeynayo in uu oo miradhal noqdo

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaa raaciyay in iyada oo ciidanka xooga daku baacsanayaan nabad-diidka, hadana mawaadin kasta oo Soomaaliyeed laga doonayo in uu qaato dawrka uga aadan sudigga amniga dalka, si loogu guulaysto himilooyinka qaranka ee ah in dadka Soomaaliyeed ay helaan nabad waarta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in isla xisaabtanka iyo hufnanta dawladdu ay keeneen in la aamino, Midawga Yurub iyo Bankiga adduunkuna ay siiyaan lacago toos loogu shubayo qasnadda dawladda.

Ra’iisul Wasaraha ayaa sheegay in dawladda federalka iyo dawladaha xubnaha ka ah ay ka heshiiyeen hannaanka doorasho iyo deegaan doorasho iyo qaybsiga kheyraadka, in dawladdu diyaariyay dhammaan Xulashooyinka qodobada dastuurka ku jira ee lagala xaajoonayo dawlad gobaleedyada oo ay kamid yihiin Hannaanka cadaalada iyo asluubta, Qaab-dhismeedka hay’adaha qaranka iyo astaynta awooda dawladda, Hanaanaka dawladeed ee jamhuuriyadda, qaabaynta iyo qaan gaarsiinta dawlad gobaleedyada kumeel gaarka ah iyo Maqaabka magaalada Muqdisho ee ku yeelanayso federaalka.

Waxa uu intaa raaciyay in xukuumaddu diyaarisay Hindise sharciyeedka doorashooyinka iyo sharciga axsaabta oo dib-u-eegis lagu sameeyay, dhawaanna la hor gaynayo baarlamaanka , waxa uuna baarlamaanka ka codsaday in ay meel mariyaan hindise sharciyeedka hor-yaalla oo muhiim u ah dib-u-dhiska dalka, nabadaynta iyo geedi socodka federaalaynta.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in dawladdu la wareegtay iskuulaad iyo isbitaallo ay horay gacanta ugu haayeen shaqsiyaad ama hay’ado gaar loo leeyahay, ayna billaawday in ay bixiso adeegyo waxbarasho iyo caafimaad, iyo in la helay dhaqaale lagu dhiso wadooyinka Muqdisho ku xira Jowhar iyo Afgooye lana dhisayo dhawaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version