Wararka Soomaalida
Ra’iisul Wasaare khayre oo kulan sagoontin ah usameeyey Danjire David Concar Daawo Sawirada
Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta Xafiiskiisa xaflad kooban oo sagootin ah ugu sameeyey Safiirkii ingiriiska Soomaaliya ufadhiyey danjire David Concar oo muddo ka shaqayntiisa ee arrimaha Soomaaliya ay u dhamaystay. Danjire David Concar ayaa Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya ugu mahadceliyey muddadii uu shaqada u jooga Soomaaliyasida qadarainta leh ay soo dhaweeyeen. […]
Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta Xafiiskiisa xaflad kooban oo sagootin ah ugu sameeyey Safiirkii ingiriiska Soomaaliya ufadhiyey danjire David Concar oo muddo ka shaqayntiisa ee arrimaha Soomaaliya ay u dhamaystay.
Danjire David Concar ayaa Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya ugu mahadceliyey muddadii uu shaqada u jooga Soomaaliyasida qadarainta leh ay soo dhaweeyeen.
Wuxuuna yiri”waxaan ku amaanayaa Madaxda Soomaaliya sida kalsoonida ku dheehantahay ee ay ii lashaqeeyeen muddadii aan Safiirka uga ahaa dalkayga ee Britain Dalka walaalaha aanahay ee Soomaaliya waxaan leeyahay idinma iloobi doono waad ku mahadsantihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Khayre” ayuu hadalkiisa ku soo xiray David Concar Safiirkii ingiriiska ee Soomaaliya u fadhiyey.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo isna ka hadlay sagootinta Danjire David Concar ayaa waxaa uu yiri”Waxa aan kulan sagootin ah maanta Muqdisho ugu sameeyey danjire David Concar oo dhamaystay xilligii shaqo ee dalkeenna”ayuu hadalkiisa ku soo koobay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali khayre oo safiirka uga mahadceliyay shaqadii wanaagsanayd ee dawladda Soomaaliya uu la qabtay xilligii uu dalka ka shaqaynayay David Concar ayaa guddoonsiiyay haddiyado Safiir kii ingiriiska ee Soomaaliya ufadhiyey ee maanta la sogootiyey David Concar.
Dhanka kale Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ethiopia ee Soomaaliya ufadhiya ninka lagu magacaabo Jamaaludiin Mustafa Cumar iyo Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bakar.
Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa Cumar oo ah shaqsi ku hadla luuqadda Afka Soomaaliga iyo Xasan Cali Khayre ayaa ka wada hadlay arrimaha labada dowladood iyo xoojinta xiriirka soo jireenka saaxiibtanimo ee Soomaaliya iyo itoobiya.
Sidoo kale Safiirkii hore ee dalka Turkiga ufadhiyey Soomaaliya Olgan Bakar iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa isla qaadaa dhigay arrimo la xiriira dib ubilaabida wada hadaladii Maamulka gooni,isutaaga ee Soomaaliland iyo Dowladda dhexe ee Federaalka Soomaaliya.
Olgan Bakar oo maanta soo gaaray Magaalada muqdisho ayaa wararka aan ka helayno safarkiisa sheegaya in uu ku qotomo ka shaqaynta wada hadalada Maamulka Soomaaliland iyo Dowladda dhexe ee Soomaaliya.