Wararka Soomaalida

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Muqdisho kaga qayb galay Shir Muhiim ah

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Muqdisho uga qayb galay shir laba maalin socan doona loogana hadlayo dib u dhiska Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dib u dhiska dalku uu aad muhiim ugu yahay dawladda federaalka Soomaaliya maadaama uu dalku kasoo kabanayo bur burkii ka dhashay dawlad la’aanta sidaa darteed ka […]

Published

on

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Muqdisho uga qayb galay shir laba maalin socan doona loogana hadlayo dib u dhiska Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dib u dhiska dalku uu aad muhiim ugu yahay dawladda federaalka Soomaaliya maadaama uu dalku kasoo kabanayo bur burkii ka dhashay dawlad la’aanta sidaa darteed ka qayb galayaasha kulanka laga doonayo in si aad ah ay uga doodaan hannaanka ugu habboon ee qorshaha dib u dhiska dalka.

Wasiirka hawlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya  xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Aadan Hoosow oo kulanka halal ka jeediyey ayaa sheegay in shirkan oo ah kii 9-aad oo looga hadlo dib u dhiska dalka uu soo gaba gaboobayo maalinta berri ah lana filayo in ay kasoo baxaan natiijooyin wanaagsan.

Wasiir Hoosow ayaa sheegay in shirkan lagu lafa gurayo qaybaha kala duwan ee dib u dhiska dalka iyadoo lagu jaangoynayo qorshaha horumarinta qaranka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version