Wararka Soomaalida

Ra’iisul wasaare Khayre oo qaabilay wafdigii ka yimid Soomaaliland

Published

on

Wafdigii shalay ka yimid Soomaaliland ee uu hogaaminayay Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa galabta waxaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyagoo usheegay inay keeneen deeq lacageed oo gaaraysa $600,000 Kun oo Dollar ugana tala galay taakuleynta walaalahooda ay saameeyeen fatahaadaha Wabiyada.

Wafdigan ka yimid Soomaaliland ee waday lacagta $600,000 kun oo dollar ayaa waxay sheegeen inay iska soo aruuriyeen shacabka Soomaaliland kuwaasoo ay ugu talageen in lagu caawiyo dadkii ay saameeyeen fataahaadihii ka dhacay Baladweyne iyo meelo kale oo dalka ka mid ah.

Kaalmada ay wadaan ayaa wafdigan waxay ku wareejiyeen guddiga Qaran ee dowlada federaalka Soomaaliya u saartay kaalmada iyo wax u qabashadada dadkii ay fatahaaduhu saameeyeen.

Raisul Wasaare Khayre ayaa uga mahadceliyay shacabka Soomaaliland iyo guddigan kaalmada ay soo gaarsiiyeen walaalahood Soomaaliyeed ee dhibaniyaasha ah wuxuuna xusay in tani ay astaan u tahay sida Soomaalinimada ay uga weyn tahay walaalha Soomaaliland.

Guddigab oo ka kooban Culimaa’udiin iyo ganacsato ayaa mudada ay joogaan magaalada Muqdisho waxay kulamo la qaadan doonaan madaxda ugu saraysa Dowladda federaalka Soomaaliya.

Trending

Exit mobile version