Wararka Soomaalida

Ra’iisul wasaare KS iyo G Wadani oo xaqiijiyay Geerida Taliyihii Booliska Soomaaliland

Published

on

Geerida ku timid Taliyihii Ciidanka Boolisla Soomaaliland Sareeye Gaas Cabdullaahi Fadal iimaan ayaa waxaa wada xaqiijiyay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Gudoomiyaasha Xisbiyada Wadani iyo UCID Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Ciro iyo InJineer Faysal Cali Waraabe oo bogogooda Facebook ku soo qoray dhambaal Tacsi ah.

“Waxaan ka tacsiyadeynayaa geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Alle ha u naxariistee taliyihii ciidanka Booliska Somaliland, Cabdillaahi Fadal Iimaan. Qabriga Allahe ha u waasiciyo, Qoyska, Caruurta uu ka baxay iyo dhamaan shacab waynaha reer Somaliland iyana samir iyo iiman Alle haka siiyo”ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

“Runtii waa geeri naxdin leh, waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan eheladii, caruurtii, qaraabadii iyo ciidanka bileyskaba geerida naxdinta leh ee caawa ku timid walaalkeen Marxuum Sareeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan oo Hargeysa ku geeriyooday oo ahaa Taliyihii Ciidanka Bileyska JSL,Ilaahay waxa aan u weydiinayaa Marxuumka in uu jannatul firdowasa ugu deeqo, su’aashana u fududeeyo, dhammaan ehelkiisa iyo caruurtiisa, asxaabtiisa iyo Qaranka Somaliland-na samir iyo iimaan saadiq ah inaga wada siiyo. ayuu yiri Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Ciro Gudoomiyaha Xisbiga Wadani.

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun,Illaahay Ha u Naxariisto Taliyihii Ciidanka Booliska JSL Marxuum Cabdilahi Fadal Iimaan,Eheladiisii iyo Dhammaan Shacabka Reer Somaliland-na Samir iyo Iimaan ha inaga Siiyo Amiin Amiin”ayuu yiri Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ENG Faysal Cali Waraabe.

Allaha uraxmadee Sareeye Gaas Cabdullaahi Fadal iimaan Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliland ee caawa ku geeriyooday magaalada Hargaysa ayaa wuxuu muddo dheer Taliye ka soo ahaa Ciidanka Booliska Soomaaliland iyadoo horay ugu mid ahaanjiray Ciidankii dowladdii Miletariga ahayd ee Soomaaliya.

Trending

Exit mobile version