Wararka Soomaalida
Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo la kulmay Madaxweynihii hore Soomaaliya
Mahdi Maxamed Guuleed Khadar Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa maanta hoygiisa Magaalada Qaahira ee caasimada Masar ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan oo 16-kii sano ee la soo dhaafayba degan dalka Masar.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ugu warbixiyay xaalada siyaasadeed, midda amni iyo tan dhaqaale ee Soomaaliya meesha ay wax marayaan wuxuuna u sheegay in xaalada Siyaasada,amniga iyo dhaqaalaha Soomaaliya ay soo hagaagayaan.
Dr. Cabdi Qaasim Salaad Xasan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa umahad celiyay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar sida qiimaha leh ee ugu soo booqday gurigiisa waxaa kaloo uu bogaadiyay horumarka uu ku talaabsanayo dalka iyo dadaalka dowladnimo ee Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ay wadaan.
Cabdiqaasim Salaad Xasan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa faray Madaxda dowladda dhexe inay sii laba jibaaraan dadaalka ay hayaan sidoo kale wuxuu ugu baaqay bulshada inay garab istaagaan Dowladdooda isla markaana ka caawiyaan la dagaalanka cadawga.
“Waxaan maanta hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore ee dowladii kumeel Gaarka ahayd,Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo qayb wayn kasoo qaatay dadaallada dib-u-dhiska dalka, walina u taagan inuu talo iyo tusaale uga qayb qaato dib-u-kabashada qarannimada Soomaaliya”ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.
Mahadi Maxamed Guuleed Khadar Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxaa u soo dhamaaday shirkii Madasha Aswan FORUM ee ka dhacay magaalada Aswan oo looga hadlayay arimo kala duwan.