Wararka Soomaalida

Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo sheegay in fursad dahabi ah ay iska lumiyeen Soomaaliland

Mahadi Maxamed Guuleed Khadar Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlay wararka sheegaya in madaxda Maamulka Soomaaliland ay udiideen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inuu ka dego Magaalada Hargaysa ee xarunta Gobolada waqooyi ee Soomaaliya si ay uwada hadlaan madaxda Soomaaliland iyo Madaxweynaha Qaranka Soomaaliyeed islamarkaana ay usheegtaan tabashada Koonfur ay […]

Published

on

Mahadi Maxamed Guuleed Khadar Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlay wararka sheegaya in madaxda Maamulka Soomaaliland ay udiideen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inuu ka dego Magaalada Hargaysa ee xarunta Gobolada waqooyi ee Soomaaliya si ay uwada hadlaan madaxda Soomaaliland iyo Madaxweynaha Qaranka Soomaaliyeed islamarkaana ay usheegtaan tabashada Koonfur ay ka qabaan reer Soomaaliland.

Mahadi Maxamed Guuleed ayaa sheegay haddii Muuse Biixi Cabdi uu diidi lahayn in Madaxweyne Farmaajo uu tago Hargaysa ayna wada kulmaan Muuse Biixi Cabdi ayna ka wadahadli la haayeen tabashadooda in Maamulka Soomaalilamd u,ahaan lahayd fursad ay ku doodi la haayeen arimahooda gooni isutaaga ay raadinayaan balse ay isku khasaariyeen fursadaas.

“shacabka reer Soomaaliland iyo Madaxweynahooduba maanta waxay iska lumiyeen fursad dahabi ah ka dib markii Madaxweynaha iyo inta kale ee talada la wadaagtuba ay diideen in Madaxweyne Farmaajo uu tago Hargaysa si tabashada reer waqooyi loo dhageysto loona xaliyo laakiin taasu madhicin ee way iska khasaariyeen”ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed khadar ayaa waxaa uu dhinaca kale uu sheegay in aaney ka rajo dhigin in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ka dego Hargaysa islamarkaana uu la kulmo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi si hargaysa ay ugu wadahadlaan wixii cabasho ah ee ay qabaan shacabka iyo Maamulkuba xal looga gaaro.

Hadalkan ayaa wuxuu ka sheegay ku xigeenka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed waraysi uu siiyey mid ka mid ah TV-yada ku hadla Afka Soomaaliga ee fadhigiisa uu yahay Magaalada Muqdisho.

“waxaan ku rajo weynahay in Madaxweyne Farmaajo uu tago Hargaysa sifo kaste ha ku aadee wuu aadayaa wayna ka go,antahay taas anaguna waan ka shaqatnaynaa haddii ilaahay uu yiraahdo,walaalahay reer waqooyi waa ognahay tabasho way qabaan balse waan ku dadaalaynaa in arinkaas meel wanaagsan uu ku dhamaado si uu u miro dhalo wadajirka shacabka Soomaaliyeed ee kala irdhoobay 28ka sano iyo wixii dhacay xiligii kacaanka”ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed khadar.

Ku xigeenka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ay ka go,antahay xalinta tabashada Maamulka Solmaaliland xataa haddii uu xilkiisa ku waynayo ilaa arintaas uu ka xaliyana uusan ka daali doonin dhibaato kaste ha ku qaadatee.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version