Wararka Soomaalida
Ra’iisul wasaare Xasan Cali oo ka hadlay rajada Galmudug cusub+Sawiro
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo wali ku sugan Dhuusa-Mareeb ayaa maanta kulan dheer oo su,aal weydiin ah la qaatay dhalinyarada ku nool degmada Dhuusa-Mareeb iyadoo ay weheliyaan Xildhibaanada deegaan doorashadooda ay tahay Galmudug iyo qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ee deegaan ahaan halkaas ka soo jeeda. Xasan Cali Khayre Ra’iisul […]
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo wali ku sugan Dhuusa-Mareeb ayaa maanta kulan dheer oo su,aal weydiin ah la qaatay dhalinyarada ku nool degmada Dhuusa-Mareeb iyadoo ay weheliyaan Xildhibaanada deegaan doorashadooda ay tahay Galmudug iyo qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ee deegaan ahaan halkaas ka soo jeeda.
Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo su’aalo ay waydiiyeen qaar ka mid ah dhalinyarada Dhuusa-Mareeb ku nool oo uga jawaabay su,aalihii ay weydiiyeen ee ku saabsanaa arimaha siyaasadeed ee Galmudug iyo habka loo marayo doorashada Galmudugta cusub ayaa sheegay in ay muuqato yadadiilo Soomaalinno ay ku jirto fursaddii ugu wanaagsanayd ee lagu dhisi lahaa Galmudug ayna muhiim tahay in dhallinyaradu ay qaybta ugu wayn ka qaadato dib u dhiska Galmudug midaysan,toosan,tayaysan,hufan oo bulshada u adeegta kana qayb qaadata horumarka dalka iyo la shaqaynta dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Dhallinyarada ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay dadaalka hagar la’aaneed ee uu gelinayo ka guul gaaridda dib u dhiska dowlad gobaleedka Galmudug waxayna balan qaadeen dhalinyaradaas in ay qaybta kaga aadan ka qaadanayaan dib u dhiska hay’adaha dowlad gobaleedka Galmudug iyo ka mira dhalinta gogosha dib u heshiisiinta ee la dhigayo Galmudug islamarkaana taala Dhuusamareeb.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale dhallinyarada u sheegay in dalka Soomaaliyeed uu u baahan yahay dhallinyaro ka fikarta mustaqbalka fog, abaabulan, midaysan, ka madax bannaan dano gaar ah iyo khilaaf, la shaqeeya dowladda lana xisaabtama kuna haga wadada saxda ah isuna diyaariya la wareegidda awoodda dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug joogay ayaa wuxuu waday kulamo wadatashi ah oo uu la yeelanayay bulshada qaybaheeda kala duwan ee reer Galmudug.