Wararka Soomaalida
Roob dad iyo duunyaba ay ku diirsadeen oo ka da’ay Baydhabo
War ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in caawa maqribkii kadib halkaas uu ka da’ay Roob dad iyo Duunyaba ay ku diirsadeen, kaasoo biyo dhigiisa la sheegay in uu ahaa mid aad u xoogganaa. Qaar kamid ah shacabka magaalada Baydhabo oo la hadlay Wargayska Tusmotimes ayaa noo sheegeen in caawa ay […]
War ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in caawa maqribkii kadib halkaas uu ka da’ay Roob dad iyo Duunyaba ay ku diirsadeen, kaasoo biyo dhigiisa la sheegay in uu ahaa mid aad u xoogganaa.
Qaar kamid ah shacabka magaalada Baydhabo oo la hadlay Wargayska Tusmotimes ayaa noo sheegeen in caawa ay heleen raxmadii Eebe kadib kuleyl farabadan oo muddooyinkaan ay wajahayeen.
Waxay intaas warkooda ay ku dareen in ay u diyaar garoobayaan Tacbashada Beeraha maadaama hadda la gudo galay xili roobaadkii.
Roobkan ka da’ay Baydhabo ayaa ah kii Guga waxaana la sheegay in la joogo xiligii uu ka di’i lahaa Soomaaliya iyada oo hadda meel gaba gabo ah ay marayaan waqtigii Jiilaalka ee Seddaxda bilood ahaa.