Wararka Soomaalida
Roob khasaaro naf iyo maalbaleh gaystay oo ka da,ay hargaysay+sawiro
Magaalada Hargaysa ee Maamulka Soomaaliland ayaa caawa waxaa ka da’ay Roob mahiigaan ah oo gaystay dhimasho iyo Hafasho qaar ka mid ah dadka ku nool Magaalada Hargaysa ka dib daadad xoog leh oo ka dhashay Roobkaas Guryaha ugu galeen. Wararka aan ka helayno Magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in Roobka Mahiigaanka ah ee Caawa ka curtay […]
Magaalada Hargaysa ee Maamulka Soomaaliland ayaa caawa waxaa ka da’ay Roob mahiigaan ah oo gaystay dhimasho iyo Hafasho qaar ka mid ah dadka ku nool Magaalada Hargaysa ka dib daadad xoog leh oo ka dhashay Roobkaas Guryaha ugu galeen.
Wararka aan ka helayno Magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in Roobka Mahiigaanka ah ee Caawa ka curtay Hargaysa ay ku dhinteen 5 Ruux oo iskuuga jira Caruur,waayeel iyo Dumar kagadaal markii Guryahooda buux dhaafiyeen daadadka Biyaha Roobka iyadoo sidoo kale la sheegay inuu watay Roobka dabayl iyo qabow aad udaran.
Waxaa kaloo ku wax yeeloobay Roobkaas 9 qof oo ubadan dadka jilicsan sida Caruurta,waayeelada iyo Dumarka ka dib markii Guryahooda ugu soo galeen daadadka Biyaha Roobka ayna ku Hafteen dadka.
Khasaaraha ka dhashay Roobka caawa ka da’ay Magaalada Hargaysa ee Maamulka Soomaaliland ayaa waxaa booqday goobaha ugu badan ee khasaaraha Roobka uu ka dhasha xaafadaha Hargaysa Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyadoo booqashadaasi ku weheliyeen qaar ka mid ah Wasiirada iyo Xildhibaanada Maamulka Soomaaliland.
Roobka ayaa sidoo kale baabi,iyey xarumo Ganacsi iyo sidoo kale agab farabadan oo daadka la tagay sida ay sheegayaan wararka halkaas nagusoo gaaraya.
soo indha indhayn iyo qiimayn khasaaraha Roobka ka dib xaafadaha Hargaysa ee Roobka dadka uu ku dilay qaarna ay ku Hafteen Biyihii guryaha ugu soo galay awgeed Madaxweynaha iyo mas,uuliyiintii la socday ayaa waxaa ka tacsiyadeeyey dhacdadaas Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuuna ehelada iyo asxaabta ugu laab qaboojiyey inay sabraan tanina ay tahay qadar alle.