Wararka Soomaalida
Roobab lagu diirsaday oo ka curtay Mudug iyo Galgaduud
Roobabkii Gugaga ayaa kacurtay Deegaano Badan oo Katirsan Gobolka Galgaduud kuwaasoo kala ah Qalaanqal iyo Barbarcad Guudoole iyo Qurdhubaale ilaa Iyo Soonaha udhaxeeya Gal-xagare waxaa lagu soo waramayaa in uu ka curtay Roobab Mahiigaan ah Waxaana Siweyn ugu Diirasadey Dadka iyo Duunyada Deegaanadaas kunool. Roobabkan ayaa kusoo beegmay Xili Biyo la,aan Baahsan ay kajirto Deegano […]
Roobabkii Gugaga ayaa kacurtay Deegaano Badan oo Katirsan Gobolka Galgaduud kuwaasoo kala ah Qalaanqal iyo Barbarcad Guudoole iyo Qurdhubaale ilaa Iyo Soonaha udhaxeeya Gal-xagare waxaa lagu soo waramayaa in uu ka curtay Roobab Mahiigaan ah Waxaana Siweyn ugu Diirasadey Dadka iyo Duunyada Deegaanadaas kunool.
Roobabkan ayaa kusoo beegmay Xili Biyo la,aan Baahsan ay kajirto Deegano badan oo katirsan Gobolka Galgaduud.
Dhinaca kale waxaa Roob kan lamid ah uu ka curtay deegaano ka mid ah Gobolka Mudug waxaana lagu soo waramayaa in Roobkaas uu ahaa mid Biyo dhig fiican sameeyey kan Mudug iyo kan Galgaduud intuba.
Mid lamid ah kan Gobolada dhexe ayaa xalay asaguna ka da,ay Gobolka Baay kaasoo siweyn loogu diirsaday xili shacabka iyo xooluhuba ay ku soo jireen kuleylka bisha Maarso.
dadka xoola dhaqatada ah iyo beeralayda ku nool deegaanada Roobabkan ay ka curteen ayaa waxay udiyaar garoobayaan tacbashada Beeraha iyo daaqsinta naqa Roobabka.