Wararka Soomaalida

RW ku xigeenka Soomaaliya oo Belgium shir ugu qayb galay+sawiro

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa dalka Belgium gaar ahaan Magaalada Brussels ugu qeyb galay shir looga hadlayo ka hortaga iyo la dagaallanka rabshadaha Xag jirnimada ee caalamka. Shirkan oo maanta furmay qorshuhana yahay in uu soo xirmo maalinta beri oo Jimce ah ayaa waxaa si gaar ah looga hadli doonaa sidii […]

Published

on

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa dalka Belgium gaar ahaan Magaalada Brussels ugu qeyb galay shir looga hadlayo ka hortaga iyo la dagaallanka rabshadaha Xag jirnimada ee caalamka.

Shirkan oo maanta furmay qorshuhana yahay in uu soo xirmo maalinta beri oo Jimce ah ayaa waxaa si gaar ah looga hadli doonaa sidii casharo looga baran lahaa qaababka guulaystay ee dalalka Afrika qaar kood ay u mareen ka hor-taga iyo la dagaallanka Xag jirnimada si loo wadaago hannaanka ugu haboon loogana faa’iidaysan lahaa talooyinka khuburada.

Kulanka oo uu marti geliyay Mahadka Nabadda ee Yurub (EIP) ayaa waxaa ka qayb galay wakiillo ka soda wadamada reer Yurub, Afrika, Bariga, Dhexe, hay’ado calami ah iyo bulshada Rayidka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version