Wararka Soomaalida
RWkhayre oo kulan la qaatay Fanaaniin caan ah+sawiro
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan saacado qaatay kula yeeshay Magaalada Muqdisho seddaxda faanaan ee soomaaliyeed ee caanka ah ee kala ah. Xasan Aadan Samatar,Axmed Cali Cigaal iyo Cawaale Aadan Daahiyey oo ka mid ahaa wafdigii Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ee shalay booqashada ku yimid Magaalada Muqdisho. Xasan Cali […]
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan saacado qaatay kula yeeshay Magaalada Muqdisho seddaxda faanaan ee soomaaliyeed ee caanka ah ee kala ah.
Xasan Aadan Samatar,Axmed Cali Cigaal iyo Cawaale Aadan Daahiyey oo ka mid ahaa wafdigii Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ee shalay booqashada ku yimid Magaalada Muqdisho.
Xasan Cali Khayre ayaa Seddaxdan faanaan kala sheegaystay arrimaha Soomaaliya xagga amaanka,dib udhiska iyo sidii fanka kaalin mugleh ugu qaadan lahaayeen fanaaniinta.
Fanaaniintan ayaa dhankooda la wadaagay Ra’iisul wasaaraha kaalinta ay ka qaadan karaan Qodobada uu soo hor dhigay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxayna sheegeen in ay diyaar uyihiin barnaamijyadooda faneed sidii Soomaaliya dib usoo gabashadeeda ugu dabaqi lahaa.
Fanaaniinta kala ah Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal ayaa shalay sheegay in Soomaaliya ugu dambeysay Sodon sano ka hor.
Fanaanka reer Jabuuti Cawaale Aadan Daahiye waa markii ugu horeysay ee uu yimaado Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.