World

Saalax Khasoggi oo ka hadlay Boqortooyada Sacuudiga

Published

on

Wiil uu dhalay Wariyihii caanka ahaa ee udhashay dalka Sucuudiga oo lagu magacaabo Saalax Jamaal Khasoggi ayaa difaacay dhaleecaynta iyo eedaha marwalba loo jeedinayo dhaxalsugaha Sucuudiga Maxamed Bini Salmaan ee ah in asaga uu ka dambeeyay dilkii Wariye Jamaal Khasoggi ee 2 bishii October sanadkii hore ee 2018 kii lagu dilay Qunsuliyada Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Saalax Jamaal Khasoggi ayaa sheegay in Boqortooyada Sucuudiga kalsooni buuxda uu ku qabo inay cadaalada horkeenaan cidii ka dambaysay Aabihiis Jamaal Khasoggi ee sida arxandarada ah Qunsuliyada Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul dhexdeeda loogu dilay sanadkii hore dhamaadkiisa.

Wiilkan uu dhalay Wariye Jamaal Khasoggi ee lagu magacaabo Saalax Jamaal Khasoggi ayaa sheegay in dhaxalsugaha Sucuudiga aanay ka dambaynin dilka Aabihiis balse sirdoonka sucuudiga ay ka dambeeyeen wuxuuna faray Maxamed Bini Salmaan in si cadaalad kujirto loo marsiiyo kuwii falkaas foosha xun ka dambeeyay.

Ninkan dhalinyarada ah ee uu dhalay Wariye Jamaal Khasoggi Saalax Jamaal Khasoggi oo shirjaraa’id ku qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa sheegay in qoyskooda cadaalad ka sugayaan Boqoryooyada Sucuudiga si ay ugu qancaan wixii ku dhacay Aabahood Jamaal Khasoggi iyadoo dhacdadaas ka soo warewgatay halsano kuna beegan maalinta bari ah.

Saalax Jamaal Khasoggi ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan shaqsiyaad ka faa,iidaysanaya dhacdadaas doonayana inay carqaladeeyaan Kiiska Aabihiis Jamaal Khasoggi si aanay cadaalad loo marsiinin arxaanla-wiyaashii Aabihii dilday wuxuuna ujeediyay inay joojiyaan wararka been abuurka ah ee ay faafinayaan.

Trending

Exit mobile version