Wararka Soomaalida
Saciid Cabdulaahi Dani Madaxweynaha cusub ee Puntland:Taariikh diisa oo dhamaystiran
Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland waxaa maanta uu noqday Madaxweynaha 5-aad ee Hogaamin doona Puntland Shanta Sano ee soo socota. Saciid Cabdulaahi Maxamed (Saciid Dani) waxaa uu ku dhashay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho sanadka markuu ahaa 1966-dii. Waxbarashadiisa aas-aasiga ee hoose wuxuu ku qaatay Dugsiga hoose iyo dhexe Iskuulkii la,oranjiray Muqdisho Elementary School ee Caasimadda […]
Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland waxaa maanta uu noqday Madaxweynaha 5-aad ee Hogaamin doona Puntland Shanta Sano ee soo socota.
Saciid Cabdulaahi Maxamed (Saciid Dani) waxaa uu ku dhashay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho sanadka markuu ahaa 1966-dii.
Waxbarashadiisa aas-aasiga ee hoose wuxuu ku qaatay Dugsiga hoose iyo dhexe Iskuulkii la,oranjiray Muqdisho Elementary School ee Caasimadda Soomaaliya ku yaallay Sanadku markii uu ahaa 1972-dii.
Dr.Saciid Cabdulaahi Maxamed Dani Dugsiga sare wuxuu ka baxay Iskuulka sare ee Sheekh Xasan Barsame isla Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho 1980 ilaa 1984-tii.
1986 Dr.Saciid Dani waxaa uu ku biiray Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ee Muqdisho wuxuuna sha,haadada Kowaad uu ka qaatay Kuliyadda Luuqadaha Jaamacadda Umadda 1990-kii halsano ka hor burburkii Soomaaliya.
Saciid Cabdulaahi Maxamed Dani waxaa uu wax barasho u aaday Dalka Malaysia waxaana sha,haadada labaad uu ku soo qaatay Jaamacadda Putra ee Malaysia inta udhexaysa 1998-dii ilaa 2000 Kun sanadka markuu ahaa,wuxuuna ka bartay Jaamacaddaas Maanulka(Master Management).
Saciid Cabdulaahi Dani intaas wixii ka dambeeyey waxaa uu ku soo laabtay dalka Hooyo ee Soomaaliya waxaana uu tagay oo uu ka shaqeeyey Gobolada Waaooyi ee Bari iyo Nugaal,waxaa uu ka mid ahaa Aqoonyahanada wax ka aas aasay dhismaha Maamulka Puntland.
Puntland wax yaabaha uga muhiimsan ee uu ka qabtay waxaa ka mid ahaa sara uqaadida arrimaha Bulshada sida Waxbarashada, Caafimaadka iyo horumarinta Ganacsiga waxaa uu ka noqday Puntland Aqoon yahan siweyn ay ugaranayaan Bulshada Goboladaas ku nool.
Siciid Cabdulaahi Deni Sannadkii 1992-dii wuxuu noqday madaxii waaxda Howlaha Maraakiibta ee Dekedda Boosaaso, wuxuu kamid ahaa aasaasayaasha Hay’adda Kheyriga ah ee Tadaamun oo ah hay’ad ka shaqeysa waxbarashada, biyaha, caafimaadka iyo gargaarka bini’aadannimada oo mar gacanta ku heysay in ka badan 15,000 oo arday.
Wuxuu 1992 ilaa 1997 ahaa madaxa Hay’adda Tadaadum iyo asaasihii Dugsiyada Imaamu Nawaawi iyo maamulihii koowaad ee hogaaminayay Dugsiyadaas sannadkii 1992 ilaa 1998dii, iyadoo maanta Imaamu Nawaawi ay Dugsiyadiisu yihiin 22 Dugsi oo 5 kamid ah Dugsi Sare.
Dr. Siciid Cabdulaahi Deni Sannadkii 1994, wuxuu ahaa xubin katirsan Guddiga Waxbarashada Gobollada Waqooyi Bari, ee Soomaaliya, Sannadkii 1996, wuxuu noqday xubin Guddiga Cilmi Baarista ee la shaqeeynayey Hay’adda War-torn Society, oo wax ka qortay heerka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee Gobollada waqooyi Bari Soomaaliya.
Sannadihii 2002 ilaa 2012, wuxuu xilal kala duwan ee heer Maammul ah kasoo qabtay ururro ganacsi oo kala duwan ay ka mid ahaayeen Ururka Ganacsiga “Waaberi Group Djibouti,Guddiga Ganacsatada Puntland, Rugta Ganacsiga Puntland, Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee Jabuuti, Dubai iyo Oman, sidoo kale wuxuuna heer maamul ah kasoo qabtay shirkado ganacsi oo waaweyn ay ka mid ahaayeen Shirkadda Towfiiq, Shirkadda Sibirka Barwaaqo, African Horn Company (Salalah, Oman) iyo Salalah Macaroni Company, Oman.
Dr.Saciid Cabdulaahi Dani Sanadkii 2012 waxaa uu noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka federaalka Soomaaliya waxaana ka mid ahaa Gudiga Khayraadka dabiiciga ee Baarlamanka Soomaaliya.
2014 waxaa loo magacaabay Wasiirka Qorsgaynta iyo Khayraadka Xukuumaddii Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed xiligii Xasan Sheekh Maxamuud uu Madaxweynaha uu ka ahaa Dalka.
Sanadkii 2017 wuxuu u tartamay xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya xiligii Madaxweyne Farmaajo xilkan loo dooranayey.
Maanta oo Taariikhda ay tahay 8-1-January 2019 waxaa uu noqday Madaxweynaha Shanaad ee Maamulka Puntland Shanta sano hogaamin doona.