Local News

Saciido Shaciye oo isku soo sharaxda kursiga Ward-6

Published

on

Saciido Shaciye oo noqotay gabadhii u horeysay ee isku soo sharaxda kursigii uu Abdi Warsame Iska Casilay

Saciido Shaie ayaa ku dhawaaqay in ay tahay musharaxad u taagan kursiga degmadda 6-aad ee Ward 6. Cabdi Warsame oo hayey kursiga iyo xilka Gudoomiyaha degmadda 6-aad ee magaaladda Minneapolis ayaa isagu March 30, 2020 si rasmi ah iskaga casilay kursiga.

Haddaba Saciido Shaciye oo kamid ah hogamiyayaasha Soomaaliyeed ee magaaladda Minneapolis iyo guud ahaanba gobolka Minnesota ayaa caawa ku dhawaaqday in ay u tartamayso kusrigan.

Saciido ayaa kamid ah hogaamiyeyaasha iyo haweenka Soomaaliyeed ee iyagu si iskaa wax u qabo ah hadh iyo habeen ugu taagan danta iyo u adeegida bulshadda Soomaaliyeed.

Kursiga uu baneeyay Abdi Warsame ayaa waxaa la filayaa in loo qabanayaa doorasho gaar ah bisha August 11, 2020 waxaana marba marka ka dambeysa soo kordhaya musharixiinta Soomaalida ah ee iyagu kursiga isku soo sharaxaya.

Saciido ayaa noqonaysa musharixii shanaad iyo gabadhii ugu horeysay ee u taagan tartanka kursiga degmadda 6-aad ee Magaaladda Minneapolis.

Trending

Exit mobile version