Local News
Saddex goobood oo kala duwan oo ay toogasho ka dhacday magaaladda Minneapolis mudo 20 daqiiqo gudahood
MINNEAPOLIS – Booliska magaaladda Minneapolis ayaa sheegay in ay baarayaan saddex toogasho oo kala duwan oo mudo 20 daqiiqadood gudahood ka dhacay magaaladda Minneapolis habeenimadii Khamiista. Toogashooyinkan kala duwan ayaa ka dhacay saddex goobood oo kala duwan xalay.
Dhacdooyinkan toogashadda ah ayeey booliisku sheegeen in ay ka dhaceen goobahan hoos ku xusan:
• Ciwaanka 400 ee Wadada Taylor, Waqooyi-bari, Minneapolis (400 block of Taylor Street Northeast). Toogashadda ayaa goobtan ka dhacday abbaare 6:29 fiidnimo.
• 2035 Wadada West River Waqooyi, toogashaddan ayaa dhacday abbaarihii 6:36 fiidnimo.
• Ciwaanka 800 ee Wadada Franklin East, toogashaddan ayaa dhacday abbaarihii 6:46 fiidnimo.
Booliisku ma aysan soo saarin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan duruufaha ku xeeran toogashooyinkan. Balse waxay sheegeen in ay socdaan baaritaano la xiriira toogashooyinkan isku xig-xiga ee xalay dhacay. Lama sheegin in ay saddexda toogasho ay isa xiriiraan.