Wararka Soomaalida
Safaarada Ingiriiska ee Soomaaliya oo soo bandhigtay deeqo waxbarasho
Safaarada Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa soo bandhigtay deeqo waxbarasho oo loo aadayo dalka Uk taas oo ay ka faa,iideysan karaan ardayda Soomaaliyeed ee doonaya diyaarinta heerka labaad ee Jaamacadda.
Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender oo muuqaal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ku dhawaaqay in Safaarada Ingiriiska xarunteeda Soomaaliya ay hayso deeqo waxbarasho ardayda Soomaaliyeed ee doonaya inay diyaariyaan heerka labaad ee Jaamacadda ee Mastery-ka loona aadayo dalka UK.
Deeqahan waxbarasho ee ay soo bamdhigtay Safaarada Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inay bilaash tahay kaliya ardayda ay iska bixinayaan Visa-ha UK wixii caawin ahna dhankooda diyaar la yihiin.
Ben Fender Safiirka UK ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay ardaygii danaynaya fursadahaasi waxbarasho inuu ugu yimaado Xarunta Safaaradda oo ku taala xerada Xalane ee magaalada Muqdisho si wanaagsana usoo dhaweynayaan wixii kaalmooyin ah ee ardayda laga saaciydo diyaar ula yihiin.
Arintan ay ku dhawaaqday Safaarada Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa waxay tahay Safaaradii ugu horaysay oo deeq waxbarasho bilaash ah soo bamdhigta markii laga reebo dowladda Turkiga oo arday farabadan oo Soomaali ah ufidisay deeqo waxbarasho oo lacag la,aan ah xataa Visa-ha dalka Turkiga.