Wararka Soomaalida

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Qadar oo digniin soo saartay

War galabta ka soo baxay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Qadar ayaa waxaa Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Qadar looga digay in ay ka digtoonaadaan Warqad been abuur ah oo lagu faafiyey Baraha Bulshada ay ku sheegaystaan. Safaaradda ayaa intaas ku daray Shirkad sheegtay in fadhigeeda uu yahay Magaalada Muqdisho ay sheegayso in Dhalinyarada soomaaliyeed […]

Published

on

War galabta ka soo baxay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Qadar ayaa waxaa Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Qadar looga digay in ay ka digtoonaadaan Warqad been abuur ah oo lagu faafiyey Baraha Bulshada ay ku sheegaystaan.

Safaaradda ayaa intaas ku daray Shirkad sheegtay in fadhigeeda uu yahay Magaalada Muqdisho ay sheegayso in Dhalinyarada soomaaliyeed ay uhayso fursado shaqo oo ka banaan Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Qadar ka Dibna warkaas lagu faafiyey baraha bulshada warkaasna uu yahay mid aan waxba kajirin.

Qoraalka kasoo baxay Safaarada Soomaaliya ee dalka Qadar ayaa si gaar ah loogu ogeysiiyay Jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool Qadar iyo dadka ku dhaqan Muqdisho in aysan ku kadsoomin Ogeysiis been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulshada.

Waxa ay safaarada sheegtay in shirkad la sheegay in fadhigeedu yahay Muqdisho soo saartay Ogeysiis ay bulshada Soomaaliyeed ku ogeysiineyso in ay heeso fiisooyin shaqo oo dalka Qadar ah laguna qaadanayo shaqooyinkaasi mushaar badan.

Safaarada Soomaaliya ee dalka Qadar ayaa ku wargalisay laamaha amaanka Soomaaliya in ay ka hortagaan Ogeysiiskan been abuurka ah ee la doonayo in dadka Soomaaliyeed looga qaatao lacago.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version