Wararka Soomaalida
Safarka Kismaayo RW xasan Cali oo xambaarsan qodobo dhowr ah
Mid ka mid ah aqoon yahanada ku nool Kismaayo ayaa waxaa uu sharaxaad ka bixiyey safarka Kismaayo ee Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ee la qorshaynayo in dhawaan uu ku gaaro Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose. Aqoon yahan Cabdirisaaq Maxamed Cabdi ayaa waxaa uu ka qoray safarka Xasan Cali Khayre dhoor […]
Mid ka mid ah aqoon yahanada ku nool Kismaayo ayaa waxaa uu sharaxaad ka bixiyey safarka Kismaayo ee Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ee la qorshaynayo in dhawaan uu ku gaaro Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose.
Aqoon yahan Cabdirisaaq Maxamed Cabdi ayaa waxaa uu ka qoray safarka Xasan Cali Khayre dhoor Qodob oo ka hadlaya safarkaas la hadalhayo ee Kismaayo.
Safarka R/Wasaare Kheyre ee Kismaayo maxay ujeedadiisu tahay waxaan rabaa in aan idinla wadaagno waxa aanu kala socono sababtoo ah waxaa soo baxaya warar is diidan oo hadana dhammaantood xaqiiqada ka fog.
Waxaase uguba daran kuwa ku doodaya R/Wasaare Kheyre waxuu u ololeynsyaa Axmed Madoobe in dib loo doorto.
Labadii sano ee la soo dhaafey waxaa jirey khilaaf u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka goboleedyada khilaafkaasi waxaa horkacaayey hogaamiyaha Jubaland oo ujeedadiisu ahayd sidii loo burburin lahaa ama loo wiiqi lahaa awoodda dowladda federaalka Somaaliya waxaan wada ogeyn in shirqoolkaasi ay dabada ka riixayeen dowlado shisheeye oo cadaawad u haya qaranka Soomaaliyeed shirqoolkaasi wuxuu fashilmey markii saaxiibadii Axmed Madoobe hawshaasi la waday qaarna dowladda si hoose ula heshiiyey qaarna doorashooyinkii deegaanadooda looga badiyey.
intaas ka dib waxaa dhacdey in markiiba Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubaland uu xulafo la sameysto koox qarandumis ah oo xaruntoodu ay tahay Xamar, nasiib wanaag koxdaasi waxaa ka horyimid shacabka Soomaaliyeed ee ku kalanool dalka dibadiisa iyo gudahiisa waxayna ku fashilmeen kooxdaas isku daygoodii qarandumiska ahaa.
Taas waxaa barbar socdey daadaalo ay wadeen ururo, aqoonyahano, siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda Jubaland oo ay ku diidanaayeen in dowlada federaalka iyo Jubaland koox dan shaqsi iyo dano dowlado shisheeye xambaarsan ay iska hor keenaan iyadoo talaabadaa uhirgasgay shacabka.
Shacabka iyo aqoonyahanada ku nool Kismaayo oo ka turjumaya danaha guud ee shacabka Jubaland ayaa waxay hormuud ka ahaayeen in dhibaatada maamulka Jubaland ku hayo shacabka ay gaarsiiyaan nidaamka dowlada federaalka gaarahaan madaxweynaha iyo R/Wasaaraha.
Hadaba safarka R/Wasaare Kheyre afar qodob ayaa ugu muhiimsan.
1- In maamulka Kismaayo oo hore u fallaagoobay, balse hadda qarka ka lusha la hoos keeno dowlada federaalka ka hor intuusan burburin.
2- In cabashooyinka iyo rabitaanka isbedeldoonka ah ee shacabka reer Jubaland loo sheego kooxda dhegaha adag ee go’doonka ku ah Kismaayo.
3- In maamulka Kismaayo looga digo in ay dhex roorin muranka Kenya iyo Somaliya.
4- In doorashada dhacdo xilligii loogu talagaley,dowladda federaalka ay hagto hannaanka doorashada u dhacayso.
Waxaan rajeynayaa in aan si waafiya idin siiney xaqiiqda ujeedada safarka R/Wasaare Kheyre ee Kismaayo. Waxii ka soo baxana waanu idinla wadaagi doonaa hadduu Alla idmo.
Gebagebadii waxaad ogaataan R/Wasaare Kheyre waa shaqsi xogogaal ah rabana waxii horey u khaldamey in uu saxo,qaran dhisidiisa ay ku weyntahay waxaan marnaba dhacayn in xog la’aan awgeed arrin loo hoosaasinin.