Wararka Soomaalida
Safarka Ra’iisul wasaaraha DS ee Faransiiska oo sharaxaad laga bixiyay
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta u safray dalka Fanasiiska halkaas oo uu uga qayb gelayo shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris oo socanaya Nofeembar 11-13, 2019.
Madasha nabadda Paris oo ah kulan sanadeed caalami ah ayaa looga hadlayaa xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka.
Shirka sanadkan ayaa waxaa ka qayb gelaya madax ka socota dalalka caalamka iyo hey’adaha caalamiga ah waxaana Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu kulamo doceedyo la qaadanayaa qaar kamid ah madaxda kala duwan ee ka qayb geleya kulanka.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa safarkiisa Faransiisaka kadib waxuu tegi doonaa magaalada Brussels ee dalka Belgium iyadoo halkaas uu kulmayo kula yeelan doona hoggaanka cusub ee midawga Yurub.
Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Faransiiska iyo Bulguim-ka ayaa qayb ka ah dardar gelinta ajandayaasha horumarinta qaranka iyo dadaalada loogu jiro deyn cafinta Soomaaliya.