Wararka Soomaalida
Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya oo la kulmay Muuse Biixi
Safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender ayaa maanta gaaray Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Soomaaliland, halkaas oo uu kulan balaaran kula yeeshay madaxda Soomaaliland. Ben Fender ayaa waxaa soo dhaweyn balaaran u sameeyey Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, waxayna ka wada hadleen arrimaha maamulka, xagga amaanka, Siyaasadda iyo dimuquraadiyada ka dhaqan gashay deegaanada […]
Safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender ayaa maanta gaaray Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Soomaaliland, halkaas oo uu kulan balaaran kula yeeshay madaxda Soomaaliland.
Ben Fender ayaa waxaa soo dhaweyn balaaran u sameeyey Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, waxayna ka wada hadleen arrimaha maamulka, xagga amaanka, Siyaasadda iyo dimuquraadiyada ka dhaqan gashay deegaanada Maamulkaas.
Muuse Biixi cabdi Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland ayaa warbixin ka siiyey Ben fender xaaladda guud ee Soomaaliland iyadoo deegaanada maamulkaas xagga amaanka uu yahay mid aad iyo aad usareeya.
Safiirka Ingiriiska Ben Fender ayaa Muuse Biixi Cabdi ugu mahadceliyey doorka wacan ee ay ka gaysteen deegaanada ay maamulaan.