Wararka Soomaalida

Safiirka Jabuuti oo jawaab adag ka bixiyay hadalki Faysal Cali waraabe

Published

on

Ka dib markii dhowaan Gudoomiyaha Xisbigi mucaaradka Soomaaliland ee UCID ENG Faysal Cali Waraabe si aad ah weerar afka ah ugu qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa waxaa hadalkaas dhaleecaynta ah jawaab adag ka bixiyay Safiirka Djabuuti ee Soomaaliland ufadhiya Xuseen Cumar Kawaaliye ka dib shirjaraa’id uu ku qabtay xarunta Gobolada waqooyiye ee Soomaaliland ee magaalada Hargaysa.

Hadalka dhaleecaynta ah ee ka soo yeeray ENG Faysal Cali Wareebe Gudoomiyaha Xisbiga UCID uu ujeediyay mudane Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa wuxuu ahaa in cadaw uu ku yahay jiritaanka iyo aqoonsi raadiska Jamhuuriyadda Soomaaliland ku jirto si Soomaaliya inteeda kale ugu go’aan sidoo kale dadaal ugu jiro sidii Soomaali weyn loogu soo celin lahaa Soomaaliland asagoo shaqo wadaag dhow ay yihiin madaxda dowladda federaalka Soomaaliya Ismaaciil Cumar Geele.

Sidoo kale Faysal Cali Waraabe ayaa hadalkiisa intaas ku daray haddii uu ka waantoobi waayo Soomaaliland cadowtanimada iyo curyaamiinta uu ku hayo ay iska qaban doonaan,sidoo kale Faysal Cali Waraabe wuxuu fariin udiray shacabka ku nool deegaanada Soomaaliland inay ogaadaan in Madaxweymaha Djabuuti Ismaaciil Cumar Geele dadaal xoogleh ugu jiro sidii Soomaaliland loogu soo celin lahaa Soomaali weyntii hore ka dib markii Faysal Cali Waraabe dhowaan shirjaraa’id uu ku qabtay magaalada Hargaysa hadaladan eeda iyo goodiska ah uu ka jeediyay magaalada Hargaysa.

Haddaba eedan uu ujeediyay Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha Xisbiga UCID Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalahanahay Mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa waxaa ka jawaabay Xuseen Cumar Kawaaliye oo ah Safiirka Jamhuuriyadda Djabuuti ufadhiya Soomaaliland wuxuuna sheegay in ay yihiin dowlad saaxiib iyo walaaltanimo kala dhaxaysa Soomaaliland sharcigoodana uusan dhigaynin inay kala xaajoodaan Soomaaliland Xisbiyo iyo shaqsiyaad kaliya ay wax ka dhageysanayaan Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi sidaas awgeed Faysal Cali Waraabe uu yahay shaqsi qalad weyn kagalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda DJabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

Safiirka ayaa ku tilmaamay Faysal Cali Waraabe shaqsi cadow ku ah walaaltanimada iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Soomaaliland iyo Djabuuti sidoo kale uu yahay cadow loo soo diray iska horkeenka labada Shacab ee Jabuuti iyo Soomaaliland taasina marnaba usuurta galaynin Faysal Cali Waraabe.

Xuseen Cumar Kawaaliye ayaa sheegay in Mudane Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ka sokow Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djabuuti uu yahay nabadoonka iyo Madaxweynaha umadda Soomaaliyeed meel walba oo dunida ay kaga nool yihiin hadalada meel ka dhaca ah ee uu kula kacay Gudoomiyaha Xisbiga UCID ENG Faysal Cali Waraabe u,arkaan hadal nin Caafimaad qaba ka soo yeerin oo Faysal uu yahay shaqsi xanuunsan.

Sidoo kale mudane Kawaaliye ayaa sheegay in Faysal Cali Waraabe ka doonayaan inuu raali gelin buuxda ka bixiyo hadaladii gefka ahaa ee uu kula kacay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele haddii uusan rali gelin ka bixin oo markale ereyo noocaan ah soo celiyo ay iska qabanayaan oo aan laga aamusi doonin iyadoo ay umarayaan madaxda Soomaaliland.

Trending

Exit mobile version