Wararka Soomaalida
Safiirka Kenya ee Soomaaliya oo shaqdiisii dib ubilaabay
Ka dib markii dhawaan labada dowladood ay ku heshiiyeen in labada safiir ee Soomaaliya iyo Kenya mid waliba shaqadiisii dib ugu bilaabo safaaradaha Muqdisho iyo Nairobi ayaa hadda waxaa si toos ah shaqadiisa ubilaabay Safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo. Isbuucii hore ayaa waxaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho Safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas […]
Ka dib markii dhawaan labada dowladood ay ku heshiiyeen in labada safiir ee Soomaaliya iyo Kenya mid waliba shaqadiisii dib ugu bilaabo safaaradaha Muqdisho iyo Nairobi ayaa hadda waxaa si toos ah shaqadiisa ubilaabay Safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo.
Isbuucii hore ayaa waxaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho Safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo iyadoo toos howshii safiirnimo ugu bilaabay Soomaaliya.
Dhinaca kale waxaa wali hakad ku jirta shaqadii Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) waxaana War uu si hoose uhelay Wargayska Tusmotimes uu sheegayaa in wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya wali warqadii fasaxa ee shaqa bilaabada ah uqorin dowladda Kenya.
Safiirka Kenya ee Soomaaliya shaqadiisa uu dib ugu bilaabay Muqdisho ayaa waxaa la sheegayaa inay timid ka dib markii wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ay usoo qortay war qadda fasaxa ah ee Shaqa ka bilaabidda Safaaradooda Soomaaliya ka dibna laga ogolaaday.
Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa wada shaqayntooda hakad ku yimid bishii Janawari ka dib markii dowladda Soomaaliya dacwad u gudbisay Maxkamadda cadaaladda Aduunka ee ICJ dacwadaasoo kubsaabsan muranka badda ee labada wadan iyo shirkii ka dhacay LONDON ee shidaal baarista Soomaaliya ku saabsanaa.
Dowladda Kenya ayaa siweyn ugu carootay talaabada Soomaaliya ay qaaday waxayna uyeertay Safiirkii Soomaaliya ka fadhiyey iyadoo kii soomaaliya ku amartay in dalka Kenya u ka baxo iyadoo arrinkaas goor dambe laga heshiiyey.