Wararka Soomaalida

Safiirka Maraykanka ee Kenya oo beeniyay Warkii Dail Nation

Published

on

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa dhawaan baahiyay wareysi uu ka qaaday Safiirka Mareykanka ufadhiya dalka Kenya Kayle Mc Carter kaasoo ku saabsanaa in Kayle MC Carter safar qaraoodi ah uu ku yimid magaalada Muqdisho ka dibna kulan uu la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo hordhigay in kiiska badda ee labada dowladood wada hadal lagu dhameeyo Madaxweyne Farmaajo uu ka ogo laaday.

Haddaba Safiirka Maraykanka ee dalka Kenya Kyle MC Carter ayaa Bartiisa Twitter-ka qoraal uu soo dhigay ku beeniyay in magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweyne Farmaajo wuxuuse sheegay safiirka inuu la kulmay kaliya qaar kamid ah lataliyaasha Madaxweynaha.

Dowlada Soomaaliya ayaa beenisay Warkan lagu sheegay in Kyle McCarter oo booqasho ku tagay magaalada Muqdisho uu la kulmay Madaxweyne Farmaajo uuna kala hadlay muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Kyle McCarter ayaa sidoo kale beeniyay in mas,uuliyiinta uu la kulmay uusan ku dhihin kahara kiiska badda ee Maxkamada taala balse uu weediiyay aragtidooda ku aadan in Mareykanka fududeeyo wadahadalo labada dal ka yeeshaan kiiska badda.

Hadalkan cusub ee kasoo yeeray Safiirka Mareykanka u jooga Kenya ayaa kusoo aadaya xili dowlada federaalka ka carootay warka ku aadan in Safiirka Mareykanka la kulmay Madaxweyne Farmaajo uuna cadaadis ku saaray in wadahadal lagu dhameeyo kiiska badda.

Trending

Exit mobile version