Wararka Soomaalida
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo beeniyay warar laga baahiyay dacwada badda
Warar maalmahaanba la,isla dhaxmarayay baraha bulshada iyo Warbaahinta Soomaalida qaarkood ay baahiyeen kuna saabsan arimaha dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya udhaxeeya ayaa warkaas la baahiyay wuxuu ku aadanaa in dhamaan qareenadii difaacayay dacwada badda ee Soomaaliya la bedelay.
Warbaahinta Soomaalida qaar ka mid ah oo run uqaatay wararka la,isku dhaafsanayay baryahaan baraha bulshada ayaa waxay sheegeen qareenada labedelay inay ku jirto gabar sharci yaqaan ah una dhalatay Soomaaliya laugna magacaabo Muna Sharmaan.
Haddaba waxaa qoraaladaasi iyo warka ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida ayaa waxaa waxba kamajiraan ku tilmaamay Safiirka Soomaalida umatala Midowga reer Yurub Cali Siciid Fiqi ka dib markii uu la hadlay Saxaafadda.
Wuxuu sidoo kale beeniyey wararka sheegaya in la bedelay dhamaan qareenadii u doodayey dacwada Badda ee horey loogu qabtay difaaca dacwada Badda ee kenya Soomaaliya kala dhexeysa.
“Muna Sharmaan waa gabar Soomaaliyeed oo ka tirsaneyd qareenadii Soomaaliya u doodayey kiiska badda balse dhowaan ayay soo wacday Madaxweynaha iyadoo u sheegtay inay shaqo ka heshay Bankiga adduunka waxayna ka cudurdaaratay inaysan ka sii mid ahaan karin qareenada Soomaaliya ee u doodaya arimaha dacwada,Qareenada Soomaliya u doodaya ee kiiska badda lama bedelin waa kuwii hore marka laga reebo Muna Sharmaan oo iskeed uga tagtay mana jiraan wararka sheegaya in kuwo cusub la keenay”ayuu yiri Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Cali Siciid Fiqi.
Safiirka ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda inaysan marin habaabin bulshada iskana hubiyaan wararka ay u sheegayaan bulshada islamarkaana siyaasadeyn arimaha dacwada Badda.