Wararka Soomaalida
Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka hadlay hadalkii Kyle mcCarter
Ka dib markii Safiirka Maraykanka ee Kenya Kyle MC Carter dhawaan sheegay in qaar ka mid ah madaxda dowladda federaalka Soomaaliya uu kala hadlay arimaha kiiska badda ee udhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa si kulul uga jawaabay Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
Danjire Tarsan ayaa beeniyay in Kyle mc Carter dhawaan safar qarsoodi ah ku tagay magaalada Muqdisho ka dibna uu lakulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayna ka wada hadleen arimaha kiiska badda.
“Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqashada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor wargayska Kenyaanka ah ee qoray warbixintan waxaa looga baahanyahay inuu iska hubiyo warbixinnada uu faafinayo”ayuu yiri Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Safiirka Soomaaliya ee Kenya ka dib markii qoraalkan uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Hadalkan jawaabta ah ee Tarsan ayaa wuxuu imaanayaa ka dib markii dowladda Soomaaliya si aad ah ugu carootay warka Wargayska Dail Nation ee Safiirka Maraykanka ee Kenya.