Wararka Soomaalida

Safiirka Talyaaniga iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo shir yeeshay

Published

on

Ra’iisul wasaaraha wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Safiirka cusub ee dalka Talyaaniga Alberto Vecchi ayaa maanta shir dheer ku wada yeeshay magaalada Muqdisho ka dib markii Alberto Vecchi Safiirka Talyaaniga uu soo booqday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Alberto Vecchi iyo Xasan Cali Khayre ayaa shirkooda ku faaqiday xiriirka dheer ee labada wadan Talyaaniga iyo Soomaaliya ka dhaxeeya sidii loo xoojin lahaa iyo kaalinta Talyaaniga ee dhanka amniga Soomaaliya sidii Talyaaniga kaalin mug leh ugu qqadan lahaa.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa dalka Talyaaniga ugu mahad celiyay sida sharafta leh ee taageerada joogtada ah iyo horumarka ugu qaataan dalka Soomaaliya iyo weliba barnaamijka deyn cafinta ee dowladdan dadaalka ugu jirta wuxuuna intaas hadalkiisa ku daray in Talyaaniga abaal weyn u hayaan haddii Soomaali yihiin.

Safiirka cusub ee dalka Talyaaniga Alberto Vecchi ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ka caawinayaan dhinacyada amniga,dhaqaalaha, siyaasada,deyn cafinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed iyagoo eegaya marxalada Soomaaliya soo martay.

Safiirka cusub ee dalka Talyaaniga Alberto Vecchi ee maanta shirka la qaatay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa dhawaan waxaa warqadihiisa aqoonsiga Safiirnimo ka gudoomay Madaxadaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka dib markii dalkiisa u soo wakiisheen dalka Soomaaliya inuu Safiir uga ahaado.

Dalka Talyaaniga oo horay usoo gumaystay Koonfurta Soomaaliya xiligii uu gumaysan jiray Koonfurta Soomaaliya la oranjiray Italian Somaliland xornimadii gobolada koonfureed iyo bur burkii ka dhacay Soomaaliya ka dib ayaa Talyaaniga wali wuxuu xiriir xooggan uu la leeyahay Soomaaliya.

Trending

Exit mobile version