Wararka Soomaalida

Safiirka Turkiga iyo wasiirka arimaha dibada oo shir ku yeeshay Muqdisho+sawiro

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada Dowladood iyo arimaha iskaashiga ee ka dhaxeeya Turkiga iyo Soomaaliya. Kulankii dheeraa ee ay wada qaateen Axmed Ciise Cawad iyo Mehmet Yilmaz ayaa waxaa siweyn loogu lafaguray xoojinta xiriirka […]

Published

on

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada Dowladood iyo arimaha iskaashiga ee ka dhaxeeya Turkiga iyo Soomaaliya.

Kulankii dheeraa ee ay wada qaateen Axmed Ciise Cawad iyo Mehmet Yilmaz ayaa waxaa siweyn loogu lafaguray xoojinta xiriirka dheer ee walaal tinimada leh ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga sidoo kale waxaa kulanka lagu soo hadal qaaday wada shaqaynta ee labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Safiirka Turkiga ufadhiya dalka Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa sheegay in dowladda Turkiga ee wakiilka ugu yahay Soomaaliya ka go,on tahay sii xoojinta garabsiinta dowladd-dhisidda Soomaaliya iyo garab istaaga walaalahooda Soomaaliyeed.

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Soomaaliya marnaba iloobi doonin abaalka ay uhayaan walaalahooda Turkiga ku dhisan caawimaada dowdda iyo shacabka Soomaaliyeed aritaasina marwalbana xasuustaan.

Shirka ka dib ayaa wasiir Cawad iyo Safiir Mehmet iyo qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda arimaha dibadda iyo safaaradda Turkiga ku soo wareegeen xarunta wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya oo si quruxbadan dib uhabayn loogu sameeyey iyadoo wasiirka usharaxay qaabka quruxdabadan leh ee wasaaradda loo habeeyey.

Mehmet Yilmaz iyo xubnihii la socday ayaa la dhacay quruxda ka muuqata wasaaradda arimaha dibadda ee Soomaaliya.

Intaas ka dib xafiiska wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa waxaa laga soo saaray War Saxaafadeed ku qotoma shirkii Mehmet Yilmaz iyo Axmed Ciise Cawad qodobadii laga wadahadlay.

Mogadishu, May 21 , 2019 – Maalintii shalay ee Isniinta, 20 May, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mehmet Yilmaz.

Intii kulanka lagu guda-jiray, Wasiir Cawad waxa uu ammaanay mowqifyada taariikhiga ee Turkiga iyo isgarabtaagiisa Shacabka Soomaaliyeed oo aad u tixgeliya kaalintaasi muuqata. Waxa uu tilmaamay in dano wadaag uu ka dhexeeyo Soomaali iyo Turki, oo tusaalaynaya dareenka qarannimo iyo dhacdooyinka taariikheed iyo kuwa juquraafi, isagoo xusay in Muqdisho iyo Ankara ay yihiin aayo wadaag , taasi oo caddeyn ay ugu filan tahay heerka xiriirka laba geesoodka iyo midka gaarka ah ee labada dal ee walaalaha ah ka dhexeeya.

Dhankiisa, Danjire Mehmet Yilmaz waxa uu bogaadiyay xiriirka Turkiga kala dhexeeya Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirkaasi laba geesoodka ah ee labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah u dhexeeya. Waxa uu sheegay in xiriirkaasi uu sameeyay horumar la taaban karo sanadihii ugu dambeeyay.

Safiirka waxa uu caddeeyay in Turkiga uu sii wadi doono taageeradiisa Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliyeed, isagoo farta ku goday in siyaasadda dalkiisu ay tahay mid si dhammaystiran u sugan marka lala dhaqmayo Muqdisho oo ah isbahaysi walaal ah oo qarniyo badan soo jiray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version