Uncategorized
Safiirka UK ee Soomaaliya oo sheegay in dayn cafinta kaalintiisa ka qaadanayo
Ben Fender Safiirka UK ee Soomaaliya ayaa sheegay in kaalin weyn uu ka qaadan doono arimaha dayn cafinta Soomaaliya ka dib muuqaal maanta uu soo dhigay bartyiisa Twitter-ka uu ku leeyahay.
Safiirka ayaa intaas ku daray in Xukuumadda looga baahan yahay in barnaamijyadeeda dardar geliso sida arimaha dayn cafinta usuura galo sidoo kale dhinacyada Soomaaliya oo dhan si ay ugu faa,iidaystaan.
Ben Fender Safiirka UK ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhamaan umadda Soomaaliyeed inay gacmaha isqabsadaan oo walaaloobaan si horumarka la hiigsanayo loo wada gaaro.
“Aniga qodobka ugu horeeya ee aan samaynayo ayaa ah in Soomaaliya aan ka caawiyo xagga bixinta deynta oo Soomaaliya muhiimad saraysa ugu fadhida waxaana loo baahan yahay in Soomaalida dhammaantood ay gacmaha is qabsadaan si ay taasi u dhacdo iyadoo arintan qofkasta faa’uyahay”ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Safiirka UK ee Soomaaliya Ben Fender.
Hadalka Safiirka UK ee Soomaaliya ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo madmadow xoogan iyo Khilaaf uu kala dhexeeyo dowladda dhexe maamulka Puntland iyo Khilaafka Jubbaland.