Wararka Soomaalida
Safiirkii hore Soomaaliya ufadhiyay Shiinaha oo dhaliilay wasiirka arimaha dibadda
Maxamed Cawil oo mar Soomaaliya Safiir ugu soo noqday dalka China ayaa dhaliil xoog leh ujeediyay wasiirka arimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad habka shaqo ee wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya uu wax umaamulayo. Ambassador Maxamed Cawil ayaa sheegay in waxbadan ay ka qaldan yihiin nidaamka shaqo ee wasaaradda arimaha dibadda ee Soomaaliya wuxuuna ku […]
Maxamed Cawil oo mar Soomaaliya Safiir ugu soo noqday dalka China ayaa dhaliil xoog leh ujeediyay wasiirka arimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad habka shaqo ee wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya uu wax umaamulayo.
Ambassador Maxamed Cawil ayaa sheegay in waxbadan ay ka qaldan yihiin nidaamka shaqo ee wasaaradda arimaha dibadda ee Soomaaliya wuxuuna ku dhaliilay wasiir Cawad in asagoon fariisan xafiiskiisa ee wasaaradda sidoo kale uusan nidaam iyo habmaamul wanaagsan usamaunin Safiiradii iyo safaaradaha uu dibadda la wareegayo waraaqo macano ku fadhinin.
“Waxaa wax lala yaabo ah Wasiir Wasaradii loo igmaday aan gacan ku hayn fariisan Diplomasiyintii Dalka matalaysayna ay aduunka ku dhibaataysan yihiin Stamp & Warqad Empty aduunka la wareegayo,Safarad Waxaa dhista Dowlad Mas,uliyadeedana saarantahay. Aaway Wasaradii loo igmaday”
Ambassador kii hore ee Soomaaliya dalka Shiinaha Maxamed Cawil ayaa warkan soo dhigay bartiisa Twitter-ka.