Wararka Soomaalida

Saldhig Ciidan oo weerar culus ka dhacay

Published

on

Saldhiga Ciidanka booliska ee degmada Garbaharay ee Gobolka Gedo ayaa caawa waxaa soo weeraray Al shabaab sida ay inoo sheegeen dadka degamadaasi ku nool waxaana halkaas ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkaas ayaa sida ka muuqata Sawiro laga soo qaaday Al shabaab loogu dilay labo ka mid ah dhalinyaradii udagaalamayay halka kuwo dhaawac ah ay la bacsadeen sida Wargayska Tusmotimes usheegay mid ka mid ah Saraakiisha Booliska ah ee ku sugan Saldhigaas ku yaala Garbaharay sidoo kale hubkii ku dagaalamayeen dhalinyaradaas ay ka furteen labadaas wiil ee dagaalka ku geeriyooday.

Ciidamada Booliska ah ee ku sugan Saldhigan oo ku yaala bartamaha degmada Garbaharay ayaa iska difaacay Al shabaabkii soo weeraray waxaana halkaas ka dhashay dhaawac iyo dhimasho soo kala gaaray labada dhinac inkastoo Saraakiisha Ciidanka Booliska ay ku faaneen inay iska difaaceen askarana ay ka dileen Al shabaabkii soo weeraray.

Dhinaca askarta la weeraray ee Booliska ah ee Garbaharay ayaa lanoo sheegay inay ka dhaawacmeen seddax ka mid ah Ciidankooda iyadoo ilaa hadda wax dhimasho ah lanoo xaqiijinin dhanka Ciidanka Booliska ah.

Dagaalkan dhexmaray Al shabaab iyo Ciidankan booliska ah ee ku dhaxmaray Garbaharay ayaa socday ku dhawaad nusa saac iyadoo markii dambe Al shabaabkii iskiiga baxay magaalada ka dib markii fooda ay gelin waayeen Saldhiga iyadoo hadaf kooda uu ahaa inay qabsadaan Saldhiga Ciidankana waxyeelo gaarsiyaan laakiin usoorta galiwaysay sida muuqata.

Xaalada Garbaharay ayaa degan ka dib dagaal xoogan oo caawa halkaas ku dhaxmaray Al shabaab iyo Ciidanka Booliska ee degmadaas amaankeeda gacanta ku haya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version