Wararka Soomaalida
Saldhiga galbeed oo lagu soo bandhigay hub iyo Maleeshiyo+Sawiro
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow,Maamulka degmada Dharkeenley iyo Saraakiil ka mid ah Ciidanka Booliska ayaa maanta Hub iyo Maleeshiyo dhibaato weyn ku haysay bulshada ku nool degmada ku soo bandhigay Saldhiga Galbeed ee ku yaala bartamaha degmada Dharkeenley ka dib howlgal ka dhacay xaafadaha degmada. Gudoomiye Yariisow,Maamulka degmada iyo […]
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow,Maamulka degmada Dharkeenley iyo Saraakiil ka mid ah Ciidanka Booliska ayaa maanta Hub iyo Maleeshiyo dhibaato weyn ku haysay bulshada ku nool degmada ku soo bandhigay Saldhiga Galbeed ee ku yaala bartamaha degmada Dharkeenley ka dib howlgal ka dhacay xaafadaha degmada.
Gudoomiye Yariisow,Maamulka degmada iyo saraakiisha Booliska oo siwadajir ah ula hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in soo qabashada Maleeshiyada iyo Hubkooduba laga maray dhibaato iyadoo dagaal dhicina gacanta lagu soo dhigay.
Maleeshiyadan hubaysan ayaa si qarsoodi ah baad joogto ah shacabka degmada iyo ganacsataduba ugu qaadan jiray xiliga habeenkii ah.
Shacabka degmada Dharkeenley ayaa dacwad ka gudbiyay Maleeshiyadan dhibaatada ku haysay ka dibna amar ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka amniga Muqdisho ayaa lagu soo xiray Maleeshiayadan Hubaysan ee hadda iyaga iyo hubkooduba lagu soo bandhigay Saldhiga Galbeed ee degmada Dharkeenley.
Maleeshiyadan la soo bandhigay ayaa tiradooda waxay gaaraysaa 6 iyagoo ku hubaysnaa qoryaha AK47-ka iyadoo burcaddan hubaysan islamarkiiba lagu wareejiyay Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida si loo maxkamadeeyo.
“Saldhiga Dharkinley waxaa lagu soo bandhigay 6 burcad bulshada dhib ku hayey oo aan u gudbinay Maxkamada Ciidanka,Olole baan wadnaa ka dhan ah cid kasta oo hub u adeegsata shacabka si aan shacabka u badbaadsano. Odaygii ka daba yimaada ha ogaado in loo aqoonsanayo burcad-kalkaal”ayuu yiri Gudoomiye Yariisow.
Soo bandhigada Maleeshiyadan lagu soo bandhigay maanta Saldhiga Galbeed ee degmada Dharkeenley ayaa wuxuu imaanayaa ka dib markii bil ka hor Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ENG Yariisow uu sheegay in Degmooyinka Dharkenley iyo Kaaraan ay maamulaan Maleeshiyo hubaysan maamulna leh.
Gudoomiyaha ayaa waqtigaas uu warkan sheegayay ku dhaartay in tallaabo deg deg ah uu ka qqadayo arimahaas lagana sifaynayo Maleeshiyadaas labada degmo ee Kaaraan iyo dharkeenley.