Wararka Soomaalida
Saraakiisha Amisom oo fariin udiray Madaxda Soomaaliya
Saraakiisha sarsare ee Ciidamada Midowga Africa ee Amisom ayaa warbixin ka qoray Jiilka Soomaaliyeed ee soo koraya iyo xaalada amaan ee Soomaaliya ka dib markii ay soo saareen warbixintan bartooda Twitter-ka ay ku leeyihiin Amisom taasoo ay kaga hadlayaan xaalada ay wajahayaan Caruurta Soomaaliyeed. Qoraal ay kaga hadlayaan Amisom qatarta ay ku hayaan Kooxda Al […]
Saraakiisha sarsare ee Ciidamada Midowga Africa ee Amisom ayaa warbixin ka qoray Jiilka Soomaaliyeed ee soo koraya iyo xaalada amaan ee Soomaaliya ka dib markii ay soo saareen warbixintan bartooda Twitter-ka ay ku leeyihiin Amisom taasoo ay kaga hadlayaan xaalada ay wajahayaan Caruurta Soomaaliyeed.
Qoraal ay kaga hadlayaan Amisom qatarta ay ku hayaan Kooxda Al shabaab dhalinta yaryar ee Soomaaliyeed ayaa waxay ugu baaqeen Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya in ay usameeyaan barnaamijyo looga badbaadinayo qatarahaas.
Amisom ayaa waxay sheegeen in Caruurta Soomaaliyeed mas kaxda ay ka xadayaan Kooxda Al shabaab iyagoo usheegaya wax kaweyn aqliga iyo Mas kaxda Caruurta isla markaana uhorseedaya Mustaqbal xumo.
Warkan qoraalka ah ee Amisom ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in Amisom kaalin firfircoon oo mugleh ka ciyaarayaan badbaadinta Caruurta Soomaaliyeed ee mustaqbal kooda ay ku ciyaarayaan Kooxda Al shabaab dowladda Soomaaliyana ay kala shaqaynayaan arrimahaas.
“Caruurta Soomaaliyeed waxaa weerar mas kaxeed ku soo qaaday oo ku haya kooxda Al shabaab waxayna ka xadayaan Maskaxda iyo Aqliga maadaama aaney kobcin garaadkooda Maskaxeed Caruurta,waxayna u sheegaan Barnaamijyo ay ku soo jiidanayaan Aqliga Caruurta,Caruurta Soomaaliyeed ma,ahan Askar sharcigana maqabo in la askareeyo Caruurta,sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa Xukuumadda Soomaaliya in ay ka shaqayso badbaadinta mustaqbalka Caruurta Soomaaliyeed,Amisom waxay diyaar utahay dowladda Soomaaliya in ay kala shaqayso Arrintan si loo badbaadiyo mustaqbalka Jiilka soo koraya ee Soomaaliyeed”ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay Amisom.