Wararka Soomaalida

Saraakiisha Africom iyo Amisom oo kulan ku yeeshay xalane

Kulan ay soo qaban qaabiyeen Saraakiisha Maraykanka ee Africom ayaa waxaa uu ka dhacay Xarunta Amisom ee Xalane waxaana looga hadlayey xaalada Soomaaliya iyo dar-dargalinta la dagaalanka Al shabaab. Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay Saraakiisha ugu saraysa Africom iyo AMISOM waxayna ku jeejeexeen qaabkii loo soo afjari lahaa Kooxaha Al shabaab iyo Daacish ee […]

Published

on

Kulan ay soo qaban qaabiyeen Saraakiisha Maraykanka ee Africom ayaa waxaa uu ka dhacay Xarunta Amisom ee Xalane waxaana looga hadlayey xaalada Soomaaliya iyo dar-dargalinta la dagaalanka Al shabaab.

Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay Saraakiisha ugu saraysa Africom iyo AMISOM waxayna ku jeejeexeen qaabkii loo soo afjari lahaa Kooxaha Al shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya ka dagaalamaya.

“AFRICOM waxay dhowaan martigelisay Shirka Barnaamijka Iskaashiga Dowladda ee 2019. Xubnaha iyo hoggaamiyeyaasha ka kala socda qaybaha kala duwan ee Difaaca Qaranka, iyo xubnaha AFRICOM, ayaa isugu yimid si ay uga wadahadlaan habka ugu horeeya loo hor marin karo iskaashiga u dhaxeeya Difaacayaasha Qaranka ee Dawladaha iyo Milatariga ka socda  Africa ee Amisom”

Kulankan looga hadlayey xaalada amaan ee Soomaaliya ayaa waxaa uu yahay kii ugu horeeyey ee ay iskuuga yimaadaan Saraakiisha Amisom iyo Africom in kastoo Amisom iyo Africom ay iska gaashadaan duqaymaha Al shabaab iyo Daacish.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version