Wararka Soomaalida
Saraakiisha awooda kula wareegay Sudan oo ku dhawaaqay talaabooyin kale
Dalka Sudan ayaa waxaa wali ka taagan xaalad aan fiicneen ka dib markii Madaxweynihii dalkaas xukumayey 30 kii sano ee la soo dhaafay Jannaraal Cumar Xasan Al Bashiir ay xukunka ka tuureen Saraakiisha Milatariga Sudan. Saraakiisha Sudan ayaa hadda waxay ku dhawaaqeen in ay xirayaan dhamaan saraakiishii daacada u ahaa Al Bashiir iyo mas,uuliyiintii sida […]
Dalka Sudan ayaa waxaa wali ka taagan xaalad aan fiicneen ka dib markii Madaxweynihii dalkaas xukumayey 30 kii sano ee la soo dhaafay Jannaraal Cumar Xasan Al Bashiir ay xukunka ka tuureen Saraakiisha Milatariga Sudan.
Saraakiisha Sudan ayaa hadda waxay ku dhawaaqeen in ay xirayaan dhamaan saraakiishii daacada u ahaa Al Bashiir iyo mas,uuliyiintii sida gaarka ah ula shaqaynayey.
Waxay intaas warkooda ku dareen in xataa ay xirayaan raga la dhashay Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cunard Xasan Al Bashiir.
Cumar Xasan Al Bashiir Madaxweynihii hore ee dalka Sudan ayaa hadda waxaa uu ku xiran yahay xabsi ku yaala dalka Sudan ka dib markii ay xireen Saraakiisha awooda Ciidan ku qabsaday dalka Sudan.