Wararka Soomaalida
Saraakiisha Soomaaliya oo soo Bandhigay Seddax ka mid ah Kooxda Al shabaab Daawo Sawirada
Howlgal maanta ka dhacay duleedka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxaa lagu soo qabtay Seddax ka mid ah Kooxda Al shabaab oo ku sugnaa dhulka Miiga ah. Howlgalkan oo ay sameeyeen Ciidamada Milatariga Soomaaliya qaybtooda Degmada Waajid ayaa waxaa lasheegay in looga golahaa soo qabashada ragan Seddaxda ah ka dib cabasho farabadan oo Taliska […]
Howlgal maanta ka dhacay duleedka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxaa lagu soo qabtay Seddax ka mid ah Kooxda Al shabaab oo ku sugnaa dhulka Miiga ah.
Howlgalkan oo ay sameeyeen Ciidamada Milatariga Soomaaliya qaybtooda Degmada Waajid ayaa waxaa lasheegay in looga golahaa soo qabashada ragan Seddaxda ah ka dib cabasho farabadan oo Taliska uga yimid dhinaca Bulshada.
Sargaal lagu magacaabo Daahir Cali Maxamed kana mid ah Saraakiksha Milatariga Soomaaliya oo lahadlay Saxaafadda ayaa waxaa uu sheegay Howlgalka ay ka sameeyeen duleedka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ay ku soo qabteen Seddax nin oo dhalinyaro Al shabaab ah.
Taliyahan ayaa waxaa kaloo uu sheegay ragan Seddaxda ka kooban ee Howlgalka ay ku soo qabteen in dhibaato xooggan ay ku hayeen Bulshada Reer Miiga ah ee iskuuga jira Xoola dhaqatada iyo Beero falatada sidoo kale ragan Al shabaab ay uqaabil sanaayeen dilalka qorshaysan.
Saraakiishan maanta soo bandhigay Sawirada ragan Seddaxda ka kooban ee ay ku sheegeen in ay yihiin xubno Al shabaab ah ayaan sheegin Magacyadooda,iyadoo Degmada Waajid ay ka mid tahay Degmooyinka ay godoomiyeen Maleeshiyada Al shabaab.
Degmada Waajid ayaa waxaa sibuuxda gacanta uga haya Ciidanka Milatariga Soomaaliya ,iyadoo Al shabaabna ay ku hareeraysan yihiin Degmadaas una diiday in Degmada ay soo galaan Gawaarida sida Bagaashka noocyadiisa kala duwan.
Waajid ayaa godoominta Al shabaab ay ku hayaan iyo ku adkaysiga ku sugnaanta Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo shacabka Degmadaas waxay ku jirtaa sanadkii 9-aad oo xiriir ah waxaana ku dhiirinaanta sugnaasha ah Waajid Ciidamada Soomaaliya iyo Shacabkuba kaalin firfircoon ka ciyaaray Ciidamada Amisom qaybtooda ka socda Dalka Itoobiya oo halkaas Talis weyn ku leh.
Degmada Waajid ayaa waxaa Maciishada lagu geliyaa qaab qarsoodi ah iyadoo intabadan Ganacsatadu ay isticmaalaan Gaari dameerada ama Kareetooyinka,iyadoo Al shabaab haddii ay la kulmaana intaan lagaarin Shaqsiyaadka wata Kareetooyinka xataa dilaya Dameerada sidoo kale Dab qabadsiinaya Bagaashka sida dhoorkiisano ee la soo dhaafaya ay dhacday.