Wararka Soomaalida
Saraal Nagerian ah oo Muqdisho abaal marin lagu Siiyey Daawo Sawirada
Munaasabad ay ka qeeb galeen Saraakiil katirsan Ciidamada AMISOM ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho waxaana lagu Abaal marinayey Saraakiil Boolis ah oo ka tirsan Ciidamada Amisom una dhashay dalka Nageria. Saraakkishan ayaa waxaa lagu Abaal mariyey howshii Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliya ee ay ka qabteen Magaalada Muqdisho. Abaalmarinta ayaa waxay ahayd Shahaadooyin ay ku […]
Munaasabad ay ka qeeb galeen Saraakiil katirsan Ciidamada AMISOM ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho waxaana lagu Abaal marinayey Saraakiil Boolis ah oo ka tirsan Ciidamada Amisom una dhashay dalka Nageria.
Saraakkishan ayaa waxaa lagu Abaal mariyey howshii Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliya ee ay ka qabteen Magaalada Muqdisho.
Abaalmarinta ayaa waxay ahayd Shahaadooyin ay ku mutaysteen shaqo wanaagii ay qabteen intii ay joogeen Solmaaliya.
Majar Gen.Fidza Dludlu oo ah Madaxa qeybta taageerada howlgalka AMISOM ayaa Xafladda ka sheegay in saraakiisha booliiska Nageria ee qeybta ka ah AMISOM ay qabteen shaqooyin wanagasan oo loo riyaaqay ayna mudan yihiin abaal marino.