Wararka Soomaalida
Sarkaal Al shabaab ah oo lagu khaarijiyay Kuunya Barrow
Howlgal ballaran oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Kuunya Barrow oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu khaarijiyay hor jooge sare oo ka tirsanaa Al-shabaab Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hoggaaminaysay howlgalkaasi ka dhacay Kuunya Barrow.
Bartilmaameedka howlgalkaasi oo ay sida wadajirka ah u fuliyeen ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Mareykanka ayaa ahaa horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan argagixisada kuwaasi oo ku dhuumaalaysanayay deegaanada howdka ah ee Gobolka shabeelaha hoose.
Warqoraal ah oo laga soo saaray howlgalkaasi oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu sheegay in aanay jiriin waxyeelo soo gaartay dadka shacabka ah ee ku nool deegaanka howlgalkaasi uu ka dhacay balse khasaare lagu gaarsiiyay kooxda Alshabaab sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee howlgalkaasi fuliyay.
“Waxaa lagu khaarijiyay howlgalkaasi horjooge ka tirsanaa kooxda Al-shabaab,tani ayaa hoos u dhigaysa awoodii argagixisada,iyo weeraradii ay ka soo maleegayeen deegaanka Kuunya Barrow iyo nawaaxigiisa,waxaana xaqiijinaynaa in aanay jirin waxyeelo soo gaartay dadka rayidka ah”sidaas waxaa sheegay saraakiisha ciidamada howlgalka ka dhacay Kuunyo Barrow hoggaaminaysay.
Inkastoo saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ay ku faaneen in deegaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabeelaha hoose ay ku khaarijiyeen sarkaal iyo Ciidankiisa oo ka tirsanaa kooxda Al shabaab ayaa haddana sheegin magaca sarakaalka iyo Ciidankiisa ay ku dileen howlgalka.
Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howlgalada dalka looga sifeynayo kooxda Al- Shabaab.