Wararka Soomaalida
Dacwadii loo haystay Sarkaal hore Maxamed Nuur oo ka furantay Minneapolis
Maxamed Nuur oo ku eedaysan dilka Haweenay udhalatay dalka Australia ayaa caawa dhageysiga dacwada loo haysto ka furantay Maxakamad ku taala Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka. Dacwadan oo muddo soo jiitamaysay ayaa hadda waxaa loo fadhiyaa go,aanka ugu dambeeya ee xeer ilaalinta iyo garsoorka Maxkamada ay ka qaadan lahaayeen kiiska dilka ah […]
Maxamed Nuur oo ku eedaysan dilka Haweenay udhalatay dalka Australia ayaa caawa dhageysiga dacwada loo haysto ka furantay Maxakamad ku taala Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.
Dacwadan oo muddo soo jiitamaysay ayaa hadda waxaa loo fadhiyaa go,aanka ugu dambeeya ee xeer ilaalinta iyo garsoorka Maxkamada ay ka qaadan lahaayeen kiiska dilka ah ee loo haysto Sarkaal hore Maxamed Nuur.
Ninka lagu soo oogay dawacada dilka ah ee Haweenayda Australia-ka ah ayaa waxaa uu horay uga tirsanaa Ciidanka Booliska Magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka waxaana lagu soo eedeeyey inuu toogasho bareer ah uu ku dilay Haweenayda lagu magacaabi jiray Justine Ruszczyk Damond oo udhalatay dalka Australia xili uu ku jiray shaqadiisa Ciidan.
Maxamed Nuur ayaa horay usheegay inuusan shaqo ku lahayn dilka haweenyada wax qalad ahna uusan gelin balse shaqadiisa uu gudanayey.
Qoyska haweenayda lagu dilay Magaalada Minneapolis ee loo haysto Sarkaal Maxamed Nuur ayaa dacwaddan ku soo oogay Maxamed Nuur inuu asaga ka dambeeyey dilka haweenaydaas ka dib markii ay ka dacwoodeen Maxkamadda Minneapolis.
Eedaysane Maxamed Nuur ayaa wuxuu yahay Soomaali balse haysta dhalashada wadanka Maraykanka wuxuuna ka mid ahaa Ciidanka Booliska Magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka markii uu dilay haweenaydaas waxaa laga eryey shaqadii Ciidanka.
Dilka haweenyadan udhalatay dalka Australia Justine Ruszczyk Damond ee loo haysto Sarkaal Maxamed Nuur ayaa wuxuu dhacay sanadkii 2017-dii wuxuuna ka dhacay Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.
Maxamed Nuur ayaa waxaa la sheegay markii uu dilay Justine Ruszczyk Damond uu wacay ama la xiriiray Number 911 oo ah qaybta Booliska ee xaaladaha deg deg ah ka dibna uu u sheegay inuu dil gaystay laakiin warkaas uu beeniyey Maxamed Nuur inuu dilay haweenaydaas. Dhageysiga Maxkamadda dawacada dilka ah ee loo haysto Sarkaal hore Maxamed Nuur oo goordhaw ka bilaabatay Magaalada Minneapolis walina halkaas ka socota ayaa saadaalin laga bixinkerin sida xaalka uu ku dhamaan karo.wixii ku soo kordha dhageysiga kiiska dilka ah ee loo haysto Maxamed Nuur kala soco Wargayska Tusmotimes insha,allah.