Wararka Soomaalida
Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Bankarafta oo Muqdisho lagu dilay
Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa maanta duhurkii waxaa lagu dilay Sarkaal ka mid ahaa Ciidanka Bankarafta ee Maraykanka ay tababareen kana tirsan Ciidanka xoogga dalka waxaana lagu dilay agagaarka daarta dheer ee Seybiyaano degmada Hodan xili waddo uu marayay.
Sarkalkan lagu dilay xaafada Seybiyaano ee degmada Hodan ayaa waxaa lagu magacaabijiray Muuse Abuukar Axmed Nuurow waxaana dablayda dishay Sarkalkan lagu soo waramayaa inay ka qaateen Bastoolad uu watay sida goobjoogiyal ay xuseen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Sarkaalkan maanta lagu dilay Muqdisho ee lagu magacaabo Muuse Abuukar Axmed Nuurow inbadan ka qayb qaatay duulaanka habeen dheelmadka ah ee kooxda Al shabaab lagu qaado deegaanada ay ka degan yihiin Shabeelaha hoose.
Isla xaafadda Seybiyaano ayaa waxaa dhowaan lagu dilay sarkaal kale oo katirsan ciidamada Bankarafta iyadoo ilaa hadda cidna soo qaban kooxaha ugaarsiga ku haya Ciidankan Bankarafta ee Maraykanka ay tababareen ee fadhigooda uu yahay Garoonka Ciidanka cirka ee Balli doogle ee gobolka Shabeelaha hoose.
Dhinaca kale kooxda Al shabaab war dhinacooda caawa ka soo baxay ayaa waxay ku sheegteen in iyagu ay ka dambeeyeen dilka Sarkaal Muuse Abuukar Axmed Nuurow oo ka tirsanaa Ciidanka Bankarafta ee Balli doogle degan ee Maraykanka ay isla howlgalaan.
Warkan sheegashada ah ee Al shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in Sarkalkan lagu magacaabo Muuse Abuukar Axmed Nuurow uu ahaa shaqsi inbadan ay daba joogeen maantana ay ka takhulaseen sida warka ay u dhigeen maleeshiyada kooxda Al shabaab ka dib markii koox iyaga ka mid ah xaafada Seybiyaano ay ku dileen Muuse Abuukar Axmed Nuurow.
Sheegashada kooxda Al shabaab dilka Muuse Abuukar Axmed Nuurow ka sokow ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo taliska Bankarafta ee degan garoonka Balli doogle ee gobolka Shabeelaha hoose.