Wararka Soomaalida
Sawir qaade xabsiga loo dhigay Sawirka Madaxweynaha DFS
Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya Ciidamada ka howlgala gobolkaas galabta xabsiga ay u taxaabeen sawir qaade ka howgalayay gobolka Sool ka dib markii uu sameeyay sawir gacan ku samays ah kuna saabsan Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Sawir qaadaha xabsiga ku mutaystay farsamada Sawirka Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa lagu magacaabaa Aadan Xasan oo Sawir qaade ah sidoo kale gacmahiisa ku farsameeya Sawirkii uu damco.
Sababta xabsiga loo dhigay Sawir qaade Aadan Xasan ayaa waxaa lagu sheegay asagoo ku nool deegaanada maamulka Soomaaliland uu usameeyay Sawirka Madaxweyne Farmaajo iyo sida uu ugu dhiiraday inuu sameeyo Sawirka Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ciidamada Soomaaliland ee ka howlgala gobolka Sool ayaa la sheegay in Aadan Xasan ay ka soo xireen hoygiisa oo ku yaalla magaalo ka mid ah gobolka Sool ka dib markii Sawirka Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya uu sameeyay uu qabsaday hadal haynta Sawirka gacan ku samayska ah deegaanada Sool oo dhan sida uu inoo sheegay mid ka mid ah ehelada Sawir qaadaha xiran.
Deegaanada uu ka arimiyo maamulka Soomaaliland ayaa waxaan laga ogolayn oo ka mamnuuc ah bulshada guud ahaan ee Soomaaliland iyo shaqaalaha hay’adaha Soomaaliland Sawir ama dharka midib ahaan shabaha ama u eg Calanka Buluugga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya in lagu arko shaqsi ama dhulka uu maamulo maamulka Soomaaliland.