Wararka Soomaalida

Sawir qaadihii loo xiray dilkii Almaas Elman oo la siidaayay

Published

on

Wariye Sawir qaade ah oo lagu magacaabo Siciid Fadhaye lanasocday gabadhii shalay lagu dhax toogtay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho Almaas Elman Cali Axmed iyo nin kale oo Wariyaha la xirnaa ayaa galabta xoriyadoodii dib uhelay ka dib markii xalay ay ku hoydeen Saldhiga Ciidanka Booliska ee ku yaala gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho iyagoo lagu tuhmay inay ka dambeeyeen dilka Almaas ama wax ka ogaayeen.

Wariyahaas iyo ninka kale ee la xirnaa oo la sheegay inuu yahay darawalkii Almaas ayaa saaka aroortii waxaa loo soo wareejiyay xarunta Booliska qaybta dambi baarista ee CID ee Muqdisho iyadoo halkaas lagu waydiiyay dhowr su’aalood oo la xiriira dilka gabadha.

Dood dheer iyo dacwo ay soo gudbiyeen wariyaha iyo ninka darawalka ah ehelkooda ayaa ugu dambayn waxaa suurta gashay in xoriyadooda ay dib uhelaan ka dib markii dambi baariyaashu ku waayeen tuhunkii raggan laga qabay.

Siciid Fadhaye oo bartiisa Facebook soo saaray qoraal yar kana hadlaya in xoriyadooda dib u heleen ayaa umahad celiyay dhamaan shacab weynaha Soomaaliyeed gaar ahaan intii Kiiskooda ka qayb qaadatay sidii xoriyadooda ay ku heli lahaayeen.

“Hadda ayaa nala soo siidaayey Darwalka iyo aniga Taliye-yaasha Booliska iyo CID-da iyo dhamaantiin asxaabteyda qaaliga waad ku mahadsantihiin dadaalkii aad noo gasheen sidii aan ku heli lahayn xoriyadeena”ayuu yiri Wariyaha Sawir qaadaha ah.

Sababta keentay in Wariye Siciid Fadhaye loo xiro Kiiska dilka ah ee Almaas Elman Cali Axmed ayaa ka dambaysay ka dib markii Facebook-giisa uu ku soo qoray qoraal shaki laga muujiyay iyadoo Siciid Fadhaye iyo Almaas hal gaari ay wada saarnaayeen xiligii gabadha xabada ku dhacaysay.

Qoraalka shakiga abuuray ee Wariye Siciid Fadhaye uu adeegsaday ayaa waxay uqornaayeen sida tan.

“Alxamdulilaah waan nabad qabaa kaddib weerar nalagu soo qaadday aniga iyo walaasheey Almaas Elman,Almaas dhabtayda ayeey ku geeriyootay,Rabbi ha u naxariisto”

Almaas Elman Cali Axmed ayaa ilaa hadda la ogayn cida ka dambaysay dilkeeda iyadoo Taliska Booliska Soomaaliya ay sheegeen inay soo qabanayaan cidii falkaas ka dambaysay.

Trending

Exit mobile version