Wararka Soomaalida
Seddax arday walaalo ah oo lagu dhaawacay Muqdisho
Gaari siday arday ka timid Imtixaan ayaa galabta lagu rasaaseeyey Degmada Dharkenleey ee Muqdisho ka dib markii gaarigaas siday ardayda uu soo istaagay goob lagu baaro gawaarida. Goobta oo la sheegay inay ahayd meel mashquul badan ayaa waxaa rasaas riday mid ka mid ah Ciidankii ku sugnaa barta Koontaroole ka dibna waxay haleeshay Xabadaas Seddax […]
Gaari siday arday ka timid Imtixaan ayaa galabta lagu rasaaseeyey Degmada Dharkenleey ee Muqdisho ka dib markii gaarigaas siday ardayda uu soo istaagay goob lagu baaro gawaarida.
Goobta oo la sheegay inay ahayd meel mashquul badan ayaa waxaa rasaas riday mid ka mid ah Ciidankii ku sugnaa barta Koontaroole ka dibna waxay haleeshay Xabadaas Seddax arday oo walaalo ah.
Ardayda walaalaha ah ee dhaawacmay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Hodan,Safiyo iyo Sakariye waxaana seddaxdooduba Aabe u,ah oo dhalay Daahir Aadan Cabdiraxmaan (Daahir Tartaraaye).
Ardayaas ayaa dhaawacooda lagu sheegay in labo ka mid ah uu daran yahay waxaase ugu sii daran gabar Xabadda ka fariisatay Dhabarka iyadoo qaliina lagu sameeyey.
Xaalada ardaydaas ayaa hadda waxaa lagu soo waramayaa inay soo hagaagayso.