Wararka Soomaalida
Shacabka Kaaraan iyo Yaaqshid oo xoog ku furay wadooyin xiran
Xaafadaha degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshid ee Magaalada Muqdisho oo xoray uga jirin xirnaashaha wadooyinka ayaa saaka shacabka waxay ku waabariisteen wadooyinkii oo dhagxaanta Shubka ah lagu jaray iyagoo arinkaasi si aad ah uga hor yimid.
Wadooyinka lagu jaray dhagxaanta shubka ah ayaa waxay yihiin jid cadiyaasha yar yark ah ee xaafadaha la,iskiiga kala goosho ka dib markii laamaha amniga Muqdisho howshaasi xalay ay sameeyeen waxaana loogu go leeyahay sugida amniga Caasimadda sida ay mararbadan sheegeen Saraakiisha amniga magaalada Muqdisho.
Laamaha amniga ayaa sheegay sababta keentay in wadooyinka yar yarka ah ay ku xiraan dhagxaanta waaweyn in ay ugu dan leeyihiin inaysan ka dhuuman oo si dhuumaalaysi ah ugu gudbin kuwa wax qarxiya iyo kuwa kale ee wax dila ka dibna ku baxsada gawaarida nooca doonaan ha lahaadeene.
Haddaba saaka ayaa waxaa shacabka degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshid bilaabeen in si xoog ah iskiiga leexiyaan dhagxaanta laamaha amniga ay ku jareen wadooyinkaasi waxaana ubadnaa dadka howshan qabanayay dhalinyarada ku xamaasha Moota Bajaajka iyo kuwa kale ee gawaarida raaxada ah wata ee degan xaafadaha degmooyinka dhagxaanta lagu jaray.
Ciidamada amniga oo ka warhelay ficilka ay sameeyeen shacabka degmooyinka Yaaqshid iyo Kaaraan ayaa kala eryay dadkii iska leexinayay dhagxaanta ee sida xoogga ah ku furayay wadooyinka laxiray weli xaafadaha degmooyinkaas waxaa ku xiran dhagxaatii la dhigay intii yareed ee shacabka iska leexiyeen markii laga reebo.
Intabadan magaalada Muqdisho wadooyinka jid cadiyaash ah ayaa waxaa ku jaran dhagxaantaas waaweyn ee ay dhigeen Ciidamada amniga iyadoo arinkaasi si aad ah uyareysay qaraxyadii is dabajooga ahaa ee ka dhihi jiray magaalada Muqdisho.
haddana iyadoo sidaas ay tahay ayaa waxay leeyihiin caqabadeeda waayo qofkii doonaya in gaari ku soo galo gurigiisa uma saamaxayso jid cada walba oo lagu gooyay dhagxaantaas waaweyn awgeed.