Wararka Soomaalida

Shacabka Guriceel oo soo dhaweyn usameeyay wafdiga RW soomaaliya+Sawiro

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta gaaray degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ka dib wafdiga Ra’iisul wasaaraha safar dhulka ah ay kaga soo ambabaxeen degmada Dhuusa-Mareeb. Shacabka Guriceel ayaa si diiran oo wanaagsan usoo dhaweeyay Wafdigan uu horboodayo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyagoo kaga hortagay duleedka Guriceel […]

Published

on

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta gaaray degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ka dib wafdiga Ra’iisul wasaaraha safar dhulka ah ay kaga soo ambabaxeen degmada Dhuusa-Mareeb.

Shacabka Guriceel ayaa si diiran oo wanaagsan usoo dhaweeyay Wafdigan uu horboodayo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyagoo kaga hortagay duleedka Guriceel ilaa gudaha Guriceelna isku xirnaa soo dhaweynta wafdiga dowladda ee uu horkacayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Degmada Guriceel ayaa waxay tahay xarunta labaad ee ugu weyn Ahlusunna waljamaaca iyadoo siweyna halkaas maanta loogu sugayay wafdiga Xasan Cali Khayre.

Xasan Cali Khayre ayaa umahad celiyay shacabka reer Guriceel ee maanta soo dhaweynta intaas la,eg ka helay asaga iyo wafdigiisa.

“Reer Guriceel waad ku mahadsantihiin soo dhoweynta qiimaha badan ee aad wafdigeyga iyo aniga inoo sameyseen tani waxay natusinaysaa dowlad jaceylka iyo walaal tanimada quluubtiina ka guuxaysa waxaan qirayaa inaad tuhiin wadaniyiin jacel horumarka dalkooda iyo dowladdooda”ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Wafdiga uu horkacayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa caawa ku hooyanaya degmada Guriceel iyagoo maalinta beri ahna usafri doona degmada Matabaan ee isla Gobolka Galgaduud sida aan wararka ku helayno.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version