Wararka Soomaalida
Shacabka Muqdisho oo ka hadlay dacwada Maxamed nuur
Sarakaal hore Maxamed Nuur ayaa waxaa loo haystaa dilka Haweenay udhalatay dalka Australia taasoo lagu magacaabo Justine Damond sanadkii 2017-dii Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka xili uu ku jiray shaqada ciidan. Maxamed Nuur ayaa waxaa uu ka mid ahaa Ciidanka Booliska Maraykanka ee Magaalada Minneapolis waxaana dhcdadaas ku dhacday kabdib markii haweenayda […]
Sarakaal hore Maxamed Nuur ayaa waxaa loo haystaa dilka Haweenay udhalatay dalka Australia taasoo lagu magacaabo Justine Damond sanadkii 2017-dii Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka xili uu ku jiray shaqada ciidan.
Maxamed Nuur ayaa waxaa uu ka mid ahaa Ciidanka Booliska Maraykanka ee Magaalada Minneapolis waxaana dhcdadaas ku dhacday kabdib markii haweenayda Australia-yaanka ah ay soo wacday Number-ka arimaha deg deg ah ee 911 ka dibna Sarkaal Maxamed Nuur uu ku baxay wicitaankaas.
Maxamed Nuur ayaa markii uu gaaray guriga Justine Damond gudahana ugalay waxaa ku soo booday haweenayda Australia-yaanka ah ka dibna isagoo naftiisa difaacaya iskiiga fujiyey rasaas maadaama uu ahaa askari shaqo ku jiray kuna yimid wicitaanka Number-ka gurmadka deg deg ah sidaasna ku geeriyootay Justine Damond sida la sheegay.
Markii falkaas uu dhacay ayaa Taliska Ciidanka Booliska Maraykanka qaybta Minneapolis waxay shaqadii Ciidan ka ruqseeyeen Sarkaal Maxamed Nuur wixii intaas ka dambeeyey Maxamed Nuur wuxuu wajahayey dacwada dilka Justine Damond ee asaga loo haysto.
Dhawaan Maxkamad ku taala Magaalada Minneapolis ayaa waxaa la soo taagay Maxamed Nuur waxaana lagu cadeeyey inuu dilay Maxamed Nuur haweenayda Australia udhalatay Justine Damond iyadoo xarunta Makamada laga sheegay in Maxamed Nuur si ulakac ahayn uu udilay Justine Damond waxaana loo balamay soo afajrida Kiiskaas 7 bisha Juun ee soo socota in lagu qaado dambiga dilka ah.
Haddaba wargayska Tusmotimes xafiiska Muqdisho ayaa Mikarafoonka la dhax qaaday shacabka Magaalada Muqdisho ku dhaqan waxaana wax ka waydiinay sida ay u,arkaan dacwada uu wajahayo Maxamed Nuur.
Shacabka Muqdisho ayaa ku kala rayi duwan aragtida ay ka qabaan dacwada Maxamed Nuur qaar ka mid ah shacabkan waxay sheegeen haddiiba Maxamed Nuur si ula kac ah uusan udilay Justine Damond in Kiiska la qafiifiyo oo labada reer kan Maxamed Nuur iyo kan Haweenayda Australia-ka ah ay si hoose u wada hadlaan lagana baaqsado xukunka xabsiga ah.
Dhinaca kale rayi kan ka duwan ayaa waxaa qaba qaar ka mid ah shacabkan ku nool Muqdisho waxayna sheegeen in sharciga Maraykanka sida uu farayo la marsiiyo Maxamed Nuur ama si ula kac ah,ha udilo ama si ku talagal ahayn ha,udlee Justine Damond waxayna intaas ku dareen maadaama Maxamed Nuur uu yahay muwaadin American ah waajibka lamarsiiyo.
Si kastaba ha,ahaatee Sarakaal hore Maxamed Nuur oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya balse haysta dhalashada dalka Maraykanka ayaa waxay soo jiitantaba dacwadiisa waxaa gebagebadii loo balansanyahay 7 Bisha Juun ee nagu soo aadan sagaalka Subaxnimo in lagu dhawaaqo go,aanka rasmiga ah.
Wararka qaar ee ku saabsan dacwada Maxamed Nuur iyo arimaha dilka ah ayaa sheegaya inay ubadantahay Maxamed Nuur Kiiskiisa in lagu xukumo 15 sano oo xabsi ah.