Wararka Soomaalida

Shacabka Soomaaliyeed oo codsi loo jeediyay

Published

on

Taliska Ciidanka booliska Soomaaliya ayaa ka codaaday Shacabka Muqdisho inay ilaaliyaan nidaamka iyo kala dambaynta inta uu socdo Shirka Madashay Soomaaliya ee labada maalin ka soconaya Magaalada Muqdisho.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sakiya Xuseen Axmed ayaa ka dalbatay Shacabka Muqdisho inay ilaaliyaan kala dambaynta iyo deganaashaha inta uu socdo shirka Madashay Soomaaliya maadaama intabadan wadooyinka ay xiran yihiin.

“Shacabka G/Banadir waxaa si sharaf leh laga codsanayaa inay inoo dulqaataan intuu socda shirka caalamiga ah ee Somali Partnership Forum oo dartiisa loo adkeeyay isku socodka baabuurta magaalada. Waxaa idiin diyaarinay Ambulance gurmad dag dag ah idinku adeegno”ayay tiri Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sakiya Xuseen Axmed.

Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalaya in kabadan 50 wadan oo caalamka ah sidoo kale waxaa ka qaybgalaya maamulada Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Trending

Exit mobile version