Wararka Soomaalida
Shacabka Sudan oo dibad baxyada u,adeegsaday calamada dhowr wadan sida kan Soomaaliya
Dibad baxayaasha Sudan ayaa maanta xirtay kuna banaambaxay Calamada wadamada Soomaaliya,Eritrea,Ethiopia iyo Sudan iyagoo iskuuga soo aruuray bartamaha Caasimadda Sudan ee Khartum. Dibad baxayaasha ayaa iyagoo wata Calamada wadamadaas waxay ku qay linayeen doonimayno xukun Militari waxayna sheegeen in ujeedkooda uu yahay in dalka Sudan xukunkiisa rayidka lagu wareejiyo. Magaalada Khartum ee caasimada dalka Sudan […]
Dibad baxayaasha Sudan ayaa maanta xirtay kuna banaambaxay Calamada wadamada Soomaaliya,Eritrea,Ethiopia iyo Sudan iyagoo iskuuga soo aruuray bartamaha Caasimadda Sudan ee Khartum.
Dibad baxayaasha ayaa iyagoo wata Calamada wadamadaas waxay ku qay linayeen doonimayno xukun Militari waxayna sheegeen in ujeedkooda uu yahay in dalka Sudan xukunkiisa rayidka lagu wareejiyo.
Magaalada Khartum ee caasimada dalka Sudan bartamaheeda shacabka iskuuga yimid ayaa waxaa lagu arkayey iyagoo wata Calamada wadamada Soomaaliya,Eritrea,Ethoipia iyo kan dalkooda ee Sudan sida uu baahiyey Wargayska Crescent Star Africa.
ilaa hadda macada ujeedka Calamadaas ay usitaan Dibad baxayaasha Sudan iyo danta ay ka leeyihiin.
Dalka Sudan ayaa waxaa wali ka taagan Dibad baxayaasha caraysan ee soo bilowday xiligii uu xukunka hayey Koronel Cumar Xasan Al bashiir iyadoo markii dambe Militariga Sudan xukunkii xoog ugu wareejiyey Cumar Al bashiir.